Saddex Waxyaabood Oo Ay Tahay Inaad Ogaato Kahor Intaadan Shukaansanin Dhakhtar

Dhaqaatiirta waxay kaalin muhiim ah ka ciyaaraan bulshada sababtoo ah waxay daryeelaan oo gargaar ay u fidiyaan dadka xanuunsan.

Marka laga soot ago shaqadooda, Dhakhaatiirtu waxay leeyihiin nolol gaar ah waxayna sidoo kale jecel yihiin inay helaan lamaaneyaal wanaagsan oo ay yeeshaan xiriirro macno leh.

La-haasaawidda Dhaqtar waxay leedahay faa’idooyin badan.

Halkaan ka akhriso 3 arrimood oo ay tahay inaad ogaato kahor intaadan la-haasaawin Dhaqtar.

  1. Isaga/iyada waa qof ugu horeeya ee ogaada xanuunkaada gaar ahaan markaad xanuunsato

Mar kasta oo aad dareento inaadan fiicneyn, lamaanahaaga wuxuu noqon doonaa qofka ugu horeeya ee ogaada cudurka ku haayo haddii uu dhaqtar yahay isaga/iyada.

Wuu isaga/iyada ay ku siin doontaa talo ku saabsan waxaad sameyneyso iyo nooca daaweynta aad u baahantahay.

  1. Waa kuwo wax dhageysta

Maadaama Dhaqaatiirta loo tababaray inay dhageystaan bukaanadooda, sidoo kale arrintaan waxay ku sameeyaan xiriirada.

Lamaane Dhaqtar ah wuxuu mar kasta ku siin doonaa dhago wax maqla, adigoo sidoo kale ka heli doona taageerada shucuureed ee aad u baahantahay.

  1. Waa dad ay jecelyihiin waalidiinta

Markay noqoto inaad usoo bandhigto waalidiintaada oo aad barto lamaanahaaga, ma jirto waxaad ka walwaleyso maadaama la jecelyahay Dhaqaatiirta.

Waxay la macaamilaan bukaano kala duwan oo ay la kulmaan intay shaqada ku jiraan. Sidoo kale Dhaqaatiirta waa kuwo qalbi wanaagsan sidaa darteed layaab malahan in waalidiintu jecelyihiin.

Related Articles

Back to top button