XIRIIRKA IYO GUURKA

Tilmaamaha Lagu Garto In Ninkaaga Uusan Dooneyn Inaad Kala Tagtaan

Maka walwalsantahay suurtagalnimada in ninkaagu qorsheynayo inaadn kala tagtaan ama uu ku furo?

Mararka qaar haweenka sabab la’aan ayay u walwalaan. Si kastaba, si aad u xaqiijiso inuusan qosheyneyn inuu ku furo.

Waa kuwaan astaamaha laga eego.

  1. Wuxuu isku dayaa inuu xaliyo dhibka

Xiriir kasta dhibkiisa ayuu wataa. Si kastaba, marka dhacdo in ninkaaga uu had iyo jeer diyaar u yahay xalinta dhibaatooyinka ee xiriirkiinu wajahayo kadib ogoow in ninkaas uusan rabin inuu iska kaa fasaxo ama ku furo.

  1. Wuu kuu sheegaa

Haddii ay dhacdo inaad weydiiso haddii uu doonayo inuu ku furo iyo haddii kale isla markaana uu kuu sheego inuusan rabin kadib aamin.

Ninka qorsheynaya inuu daaqadda kaa saaro wuu kuu sheegi doonaa inuu ku nacay ama waxaad ka arki doontaa hab dhaqankiisa amaba markaad weydiiso haddii uu doonayo inuu ku furo.

  1. Waa uu ku dhageystaa markaad hadleyso

Mid kamid ah dabeecadda wanaagsan ee uu leeyahay ninka ku jecel isla markaana diyaarka u ah inuu nolosha kula wadaago waaku dhageystaa mar kasta oo aad hadleyso.

Haddii aad aragto in ninkaaga uusan hadalka kaasoo dhex gelin mar kasta oo aad la hadasho kadib ogoow inaysan jirin waxaad ka walwasho maadaama uu diyaar u yahay inuu ku heysto oo uusan marnaba iska kaa deyn ama uusan ku furin.

Related Articles

Back to top button