Qaababka Ugu Wanaagsan Ee Lagu Ogaado In Qofka Aad Jeceshahay Uu Isagana Sidoo Kale Ku Jecelyahay

Miyaad dooneysaa inaad ogaato haddii qofka aad jeceshahay uu ku jecelyahay iyo haddii kale? Tani waa arrin jahwareer ku riday dad badan.

Ogaanshaha haddii qofka aad jeceshahay uu ku jecelyahay aad ayay u fududahay.


Hoos ka akhriso qaar kamid ah tilmaamaha lagu garto in qofkaad jeceshahay uu isagana kugu jecelyahay.

  1. Rabitaan inuu waxbadan kaa ogaado/ kaa ogaato

Haddii aad aragto wiilka ama gabdha aad jeceshahay iyadoo ku weydiineysa waxbadan oo kugu saabsan, ogoow isaga/iyada way ku rabtaa.

Waa wax dhif ah in la helo qofkaad jeceshahay ama ku jecel oo diyaar u ah inay ogaato waxbadan oo kugu saabsan, haddii ay dhacdo inuusan ku weydiin ama aysan ku weydiin kuma jecla.

  1. Farriimo dirid iyo ka jawaabid

Qaab kale oo lagu ogaado in qofka aad jeceshahay uu isagana ku jecelyahay ayaa ah sida isaga/iyada ay qoraallada kuugu soo dirto.

Haddii isaga/iyada ay kuusoo dirto qoraallo badan isla markaana ay sidoo kale kuugu soo jawaabto farrimo qoraaleedyo dhaadheer, ogoow isaga/iyada inay jeceshahay la sheekeysigaaga iyo sidoo kale inuu rabo ama ay rabto in sheekadu ay socoto.

  1. Qiimeyn waxkastoo yar oo aad sameyso

Marka qofka aad jeceshahay ay dhacdo inuu arko waxyaabaha yar yar ee aad sameyso, ogoow in isaga/iyada ay ku jeceshahay.

Qofka waxa uu wax qiimeyn karaa marka qofka sheeygaas u sameeyay uu ku weynyahay.

Haddii iyada/isaga uu ku qiimeeyo ogoow in uusan ku jecleyn kaliya balse uu sidoo kale u heelanyahay inuu kugu taageerto waxaad sameyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button