XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Siyaabood Oo Lagu Soo Afjaro Dagaalka Idin Dhex Maray Adiga Iyo Xaaskaaga

Waa wax iska caadi ah in lamaanuhu dagaalamaan balse haddii dagaalku heerarka qaar gaaro ama noqdo xad kabax guurku wuu dhaawacmayaa.

Halkaan hoose ka aqriso, siyaabaha lagu soo afjaro dagaalka idin dexmaray adiga iyo xaaskaaga.

  1. Degenaan

Carada inta lagu jiro dagaal waxay galaafan kartaa guurkaaga haddii aadan xakameyn Karin naftaada.

Markaad isku dhacdaan xaaskaaga waxaugu wanaagsan ee aad sameyn karto ayaa ah inaad si degenaan leh ugu jawaabto.

Nin ahaan, way wanaagsanaan lahayd haddii aad isdejiso inta lagu guda jiro dagaalka ama muranka.

  1. Fahan

Iska soo qaad adigoo joogo booska xaaskaaga oo kale. mararka qaar waan isdifaacnaa markaan qaldanahay. Haddii aad guriga timaado xilli dambe, uqaado xaaskaaga oo guriga timaaday xilli dambe oo kale oo qiyaas sidaad uga falcelin lahayd.

  1. Isku dheelitirnaan

Dagaalka wuxuu noqonayaa midaan micno kuu lahayn haddii aad qaadato waqti isla markaana aad waxyaabaha isku dheeli tirto.

Dib u eeg naftaada oo xasuuso waxyaabahaad adiga sameysay waqtiyadii lasoo dhaafay. Weydii naftaada sababta aad u careysantahay isla markaana u murugsantahay. Tani waxay kaa caawin doontaa inaadan iska indha tirin qaladaadkaaga.

  1. Cafis

Haddii ay gabdha tahay qofka qaldan, jooji dagaalka ee cafi. Xasuuso inaad main uun dhibane noqon doonto oo aad qalad gali doonto isla markaana aad uga baahan doonto cafis xaaskaaga.

  1. Raalligelin

Haddii aad tahay qofka qaldan, Ha u ogolaan iyada inay kugu qasabto inaad raaligelin bixiso. Muuji jacaylkaaga adigoo si aanan kibir lahayn oo jilicsan u raalligelinaya xaaskaaga.

Kama dhigna inaad daciif ama qof liita, waxay ka dhignaan doontaa sida aad u qiimeyso xiriirkiina.

Related Articles

Back to top button