Daraasad Soo Bandhigtay Waqtiga Ugu Wanaagsan Ee Kulanka Sariirta

Cilmi baaris dhawaan la sameeyay ayaa shaacisay waqtiga ugu wanaagsan oo ay tahay in lamaanaha ay ku kulmaan sariirta.

Sida laga soo xigtay daraasad cusub oo ay sameeyeen cilmi baarayaal u dhashay UK, waqtiga ugu wnaaagsan ee sariirta lagu kulmo ayaa ah 730 a.m. subaxnim ama 45 daqiiqo kahor markaad hurdada ka kacdo.

Saacaddaas ayaa la sheegay in heerka tamarta qofka uu joogo meesha ugu sareysa, sida lagu sheegay daraasada.

Sidoo kale cilmi baaris hore loo sameeyay ayaa xaqiijisay in galamada subixii ay aad uga wanaagsantahay marka ay noqoto tan habeenkii, iyadoo sidoo kale 2,000 oo ruux ay isku raaceen in 9 a.m. subaxnimo uu yahay waqtiga ugu wanaagsan kulanka sariirta.

Daraasadda ayaa sheegtay dareenka ragga in subixii marka ay hurdada ka kacaan uu yahay mid aad u sareeya taasoo la tilmaamay inay tahay mid ay dumarka ka faa’ideysan karaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button