7 Faa’ido Aadan Ogeyn Oo Laga Helo Kulanka Sariirta Subixii

Waxaa la sheegay lamaanaha subixii ku kulma sariirta inaysan dareemin oo kaliya fir fircooni balse ay sidoo kale ka helaan faa’idooyin caafimaad oo ah nidaamka difaaca caafimaadka.

Dadka qaarkood ayaa aaminsan inay wanaagsantahay in raaxada ay habeenkii oo kaliya wacantahay ama ku wanaagsantahay habeenkii.

Baaris ayaa sheegtay in dadka maalintii gala kulanka sariirta ay ka farxad iyo caafimaad badanyihiin kuwa kale.

Waa kuwaan sababha kugu qasbaya iyo faa’idooyinka ku jiro inaad subixii gashid kulanka sariirta:

1. Wuxuu beddel waangsan u yahay Koffeega.

2.  Kulanka sariirta ee subixii ama galmada ayaa baabi’isa xeerta, waxana la sheegay in galmada subixii aad gashid ay Meesha ka saareyso xeer farabadan.

3. Ciyaarta subixii ayaa ku siineysa dareen gaar ah oo farxadeed, markii aad sameysid wax kabaxsan waxa caadada ah ama caadiga ah waxay isku bedelaan farxad waxayna cilmi baaris sheegtay in hal abuurka maskaxda uu aad u wanaagsanyahay subixii.

4. Way fududahay inaadan dhar xiran subaxdii kama walwaleysid dhar aad fur furtid ama suuman ama waxyaabaha isqurxinta oo kuu marsan.

5. Wuxuu ilaaliyaa caafimaadkaaga, galmada subixii waxay xoojisaa habka difaacaagaaga jirka .

6. Si aad ah ayaad u nasatay kadib waqti dheer maalin dheer oo aad shaqeyneysay marka waxa kaliya ee aad u baahantahay waxa waaye inaad nasatid isla markaana aad hurudid.

7. Wada raaxeysiga Lamaanaha marka laga hadlo, waa mid quseysa labada qof oo kaliyah oo dadka kale eysan shaqo kulaheyn. Waa waqtiga qofka xaaskaaga ah ay ka ogaaneyso jirkaaga wax aysan dadka kale. Waa xili ad iska siibeyso dhamaan dharka kuugu jira jirkaaga, haweentu ey iska meeyreyso makeup-ka, waa xili aysan maskaxdiinu kujirin howlo kale oo labadiina uun aad tihiin isla markaana ad dareemeysaan macaanka saxda ah ee nolosha.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button