3 Qalad Oo Ay Adagtahay In Raggu U Cafiyaan Haweenkooda

Inta lagu guda jiro marxaladda xiriirka, badanaa lamaananaha wey ka fogaadaan wax walbo, balse waxaa jiraan qaar kamid ah ragga oo qalad xad kabax ah u arka waxyaabaha qaar oo noqda kuwo aysan u cafin haweenkooda.

Haddii ay haweeney ku dhaqaaqdo qaar kamid ah dambiyadaan xiriirka waxa uu noqonayaa mid aanan meel tagin oo deg deg kusoo gaba gabooba.


Waa kuwaan hoos ka aqriso qaar kamid ah qaladaadka ragga haddii laga galo aysan marnaba cafin gaar ahaan marxaladaha hore ee xiriirka.

Aamin darro

Is aaminaadda waa waxa ugu weyn ee guurku ku dhisnaado. Inaad ninkaaga baar baartid taleefankiisa iyo waxyaabo lam,id ah adigoo aanan ogolaansho ka heysan waa tuuganimo, waa kalsooni dilid, waa xadgudub, waa qalad weyn haddii uu kugu qabto ama kugu arkana adigoo baaraya taleefankiisa iyo alaabihiisa kale waxay taas si deg deg ah usoo gaba gabeyneysaa xiriirkaaga ee iska jir.

Haddii Aad Rabtid Inaad Soo Ceshato Jacaylkaagi Hore, Fadlan Iska Ilaali Qaladaadkan

Amar siin ama kala doorasho

Ragga wey fekeraan, inaad ku qasabtid inuu kala doorto adiga ama ciyaarihiisa ama saaxiibadiis ama qoyskiisa waxay keeneysaa inuu xiriirka kuu jaro, haddii aad dareentid inuu ku cidleeyay la xiriir balse waligaa haku dhihin hadalladaas aan soo sheegnay iyo wax lamid ah oo ah aniga ama iyaga.

Qiyaanada

Qiyaanada waa waxa ugu weyn ugu dambeeya ee kala dila lamaane is aaminay, haddii aad mar qiyaantid way adagtahay inaad soo celisid kalsoonidii iyo is-aaminaaddii mar bur burtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button