XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Siyaabood Oo Guurkaaga Aad Uga Dhigi Karto Guur Farxad Ku Dhisan

Guurkaaga wuu noqonayaa guur farxad ku dhisan haddii aad ku dadaashid inuu guuleysto. Haddii aadan ku dadaalin inuu noqdo guur farxad lehna wuu guuldareysanayaa. Lamaanayaasha badankood way ku fashilmaan inay arkaan quruxda jaceylka illaa ay kala tagaan.

4 Calaamadood oo lagu garto in guurkaaga uu halis ku jiro

Waa muhiim inaad qiimeyso ninka ama naagta aad u doortay noloshaada si aad farxad u heshaan.

Si kastaba, badanaa dadka ma fahamsana waxay ka dhigantahay inaad guur noocan ah ku jirtid. Waxaa jiraan waxyaabo yar yar oo aad u baahantahay inaad sameysaan lamaane ahaan si aad u yeelataan guur farxad ku dhisan.

  1. Run sheegid

Aaminaadda waa u muhiim xiriir kasta. Lamaane jacayl leh marnaba been ma sheego. U sheegidda lamaanahaaga runta mar kasta waxay siineysaa sababo uu kugu qiimeeyo isla markaana uu kugu aamino.

Macno ma sameyneyso inaad been u sheegto qof aad ugu dhow qalbigaaga.

  1. In qofba qofka kale uu diyaar u noqdo inuu gacan siiyo

Lamaanaha wanaagsan waa kan mar kasta diyaar u ah inuu gacan siiyo isla markaana daryeelo baahiyaha lamaanaha kale.

Maqnaanshahaagu wuxuu wax u dhimayaa nolosha lamaanahaaga. Hubi inaad mar kasta lamaanahaaga siiso garabkii uu kaaga baahnaa sidaa darted guurkiina wuxuu noqonayaa mid guuleysta.

  1. Iska ilaali marmarsiiyo badan

Mar marsiiyada badan waxay dishaa jacaylka. Isbar inaad waxa si wanaagsan u sameyso intaad marmarsiiyo sameyn lahayd mar kasta.

Lamaanahaaga kuma farxi doono haddii aad mar kasta cudur daar u sameyso inaadan qaban waxyaabaha qaar.

Related Articles

Back to top button