XIRIIRKA IYO GUURKA

Labo Waxyaabood Oo Nin Kasta Uu Jecelyahay In Xaaskiisa Uu Ka Helo

Ragga saameyn weyn ayay ku yeelataa marka aanay ku qanacsaneyn dareen ahaanba xiiradooda.Si,kastaba waa kuwaan laba waxyaabood oo nin kasta uu ka rajeynayo Xaaskiisa.

1. Qadarin

Ninka wuxuu dareemaa in la jecelyahay markii ay ixtiraamto gabadhiisa. Ragga waa jecel yihiin haweenka ixtiraamaya ee xushmadda u muujiya.

Dhanka kale, marka uu ninka dareemo ixtiraam la’aan, aad ayay u saameysaa isaga iyo guurkaba.

Ixtiraamka waa tiir kamid ah tiirarka uu ku dhisnaan karo xiriirka lamaanaha ee keeni kara in jacaylka lamaanayaashaas uu noqdo mid awood badan.

Xiriir aanan ku dhisneyn ixtiraam waxaa hubaal ah inuu yahay midaan caga buuxa ku taagneyn isla markaana uu waqti walbo yahay mid qarka u saaran burbur.

2. Amaan 

Ragga aad ayay u jecelyihiin haweenka amaana ee u mahad celiya. Taasi waxay ninka ku dhiiri gelineysaa oo ay sidoo kale tuseysaa inuu haayo shaqo wanaagsan, waxayna keeneysaa inuu dadaalkiisa sii laba laabo.

Adigoo dadaaleysid oo hadana aan laguu ogeyn dadaalka waa niyad jab.

Ninka ragga ah waa mid uu ka helo in lagu amaano shaqada wanaagsan ee uu qabto gaar ahaan xaaskiisa marka waajibaadkii saarnaa uu si wanaagsan uga soo baxo.

Haweenka waxaa laga doonayaa in dadaalka raggooda aysan iska indha tirin nooc walbo ha noqdee, sababtoo ah waa mid uu mudanyahay.

Related Articles

Back to top button