XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Calaamadood Oo Lagu Garto Marka Gabadha Ay Kugu Daneysaneyso

Waa maxay micnaha marka gabadha ay kugu daneysaneyso? Waxay ka dhigantahay inaysan si dhab ah kuu rabin isla markaana ay u dhaqmayso qaabab aad garan karto inay kaa tegi doonto markii ay kaa hesho wixii ay kaa rabto.

Tilmaamo Lagu Aqoonsado Marka Uu Ninku Ku Isticmaalayo (Waxaa Qortay Ifraax Shiino)

Marka, side ku ogaaneysaa in haweeney ay kugu ciyaareyso ama ay kugu daneysaneyso?

  1. Wax dadaal ah kuma bixiso inay ku dareensiiso in lagu jecelyahay

Marka haweeney ay kugu daneysaneyso wax dadaal ah kuma bixin doonto inay ku dareensiiso inay ku jeceshahay.

Kuuma muujiso kalgacayl mana ku dareensiiso inaad muhiim u tahay nolosheeda. Haweeneyda ku jecel mar waliba waxay ku dareensiin doontaa inaad ku weyntahay isla markaana ay ku jeceshahay.

  1. Daneysi

Haweeneyda kugu daneysaneyso waa mid mar waliba ku daneysan doonta xiriirka iyo adiga. Ma qiimeyso xiriirka ama adiga dhib malahan qiimaha ay kuugu fadhiso, lagama yaabo inay kuu muujiso jacaylka aad u muujiso oo kale.

  1. Mar kasta way kaa mashquushaa

Inkastoo aad waqti badan u heyso iyada marnaba kuma siiso waqtigeeda inay wax kaa rabto ma ahane.

Waxa ugu wanaagsan ee la sameeyo markay sidaan dhacdo ayaa ah in xiriirka gabi ahaanba lasoo afjaro sababtoo ah way cadahay inaysan u qalmin waqtigaaga.

  1. Waxay baabi’isaa qorshayaashaada iyo ballamaha aad la leedahay sidii inaysan dhib lahayn oo kale

Waxaad qorsheysay kulan balse markuu waqtiga yimaado waxay la timaadaa mar marsiiyo nacasnimo ah, iyadoo kuu sheegeysa inay leedahay waxyaabo kale oo muhiim ah oo ay tahay inay qabato.

Waxaad ogaataa in ballan kabaxyadaas aysan sameyneyn mar iyo labo balse ay si joogto ah u sameyneyso.

Waxa ugu wanaagsan ee la sameeyo markaas ayaa ah inaad ka fogaato isla markaana aad u ogolaato in iyada ay kusoo raadiso.

  1. Ma xusto inaad saaxiibkeed tahay

Haweeneyda ku jecel waxay had iyo jeer ku faraxsanaan doontaa inay ku barto saaxiibadeed iyo qoyskeeda iyadoo u sheegeysa inaad tahay saaxiibkeed.

Si kastaba, haweeney kugu ciyaareysa isla markaana kugu daneysaneysa ma sameyn doonto mid kamid ah waxyaabahan.

Back to top button