6 Qaab Oo Fudud Oo Gacalisadaada Looga Farxiyo (Iska Baro)

0
6 Qaab Oo Fudud Oo Gacalisadaada Looga Farxiyo (Iska Baro)

Waxaan idiin soo gudbineynaa qaabab fudud oo aad gacalisadaada uga farxi kartid, adigoo qaadanaya talooyinkaan fudud ee ay ku siineyso Shabakada Aayaha.

  1. Qadari MArka ay la joogto qoyskeeda iyo saaxiibadeed

Hal qaab oo fudud oo lamaantaada looga farxiyo ayaa ah inaad qadarisid, ku dheh waxyaabo kalgacayl leh oo qurux badan marka ay la joogto saaxiibadeed iyo qoyskeeda; u sheeg sida ay kuugu weyntahay oo aad u jeceshahay gacalisadadaada, markaas waxaa lamaantaada dareensiineysaa inay muhiim kuu tahay.

  1. Si wanaagsan ula dhaqan

Sida aan horey kusoo xusay, ragga iyo haweenka si iskumid ah ayay wax u rabaan. Haweenka waxay jecelyihiin in si wanaagsan loola macaamilo; tani waxay dareensiineysaa kalgacayl iyo qiimeyn — balse ragga ayaa sidoo kale taas jecel, waqti la qaado seygaaga oo si wanaagsan ula macaamil mararka qaad uwad goobaha damaashaadka.

  1. Cafis

Cafiska waa qeyb muhiim ah oo kamid ah xiriirka. Xitaa waxa kaloo dhan sameysid balse cafiska uu Meesha ka maqanyahay micno malahan waxyaabahaas — waxay muujineysaa in jacaylkaaga uusan dhab ahayn haddii cafis lagaa waayo.

Ucafi lamaantaada sida aad rabtid in laguu cafiyo oo kale; ha xasuusin gacalisadaada qaladaadkii lasoo dhaafay, si daacadnimo leh oo aad u cafisid xaaskaaga waxay siineysaa farxad.

  1. Dareen

Qof kasta waa jecelyahay dareenka, qofna xiriir aanan dareen la siineyn, dareenka waa qaababka ugu fudud oo kalgacayl ay iskugu muujiyaan labada lamaane, marka aad lamaantaada siisid dareen  waxay tusineysaa inaad qiimeysay oo aad jeceshahay. Sii dareen gacalisadaada wayna ku farxeysaa.

  1. Ammaan

Xaqiiqda waala sheegay, dhammaan waan jecelnahay inaad maqalno waxyaabo wanaagsan oo nala amaano, balse amaanta gaar uma ahan haweenka kaliya balse sidoo kale.

Ammaanka waa qaab kale oo looga farxiyo lamaantaada, haddii aad rabtid inaad ka qoslisiisid gacalisadaada fadlan ammaan.

  1. Taagere u noqo

Umuji rabitaan gacalisadaada oo noqo mid  taagan, adigo sidoo kale  sheegaya sida aad ga fakartid haddii aysan intaas ku farxin ogoow inaad la joogtid qof qaldan oo aanan kgu habooneyn