XIRIIRKA IYO GUURKA

Haddii Aad Waxyaabahan Ku Sameyso Xaaskaaga Hadda Jooji

Marka lamaanuhu ay yihiin aroos cusub, way adagtahay xaaskaaga ay rumeysato inaad si ulakac ah u dareensiiso inay foolxuntahay ama aysan soo jiidasho lahayn.

Si kastaba ha noqotee, markaad wada joogtaan muddo dheer, waxaad bilaabeysaa in arrintaan ay micno kula yeelato.

Waxaa jiraan waxyaabo raggu ay mararka qaar sameeyaan kuwaasoo xaasaska galiya dareen ah sida kuwo aanan soo jiidasho lahayn.

Haddii Xaaskaaga Ay Sameyso Waxyaabahan, Si Daran Ayay Kuu Jeceshahay

Waa kuwan qaar ka mid ah waxyaabaha sida caadiga ah ay u sameeyaan rag badan;

  1. Joojinta ammaanta/faanin

Haweenka way jecelyihiin in la faaniyo waqti kasta. Mar kasta oo ay gashtaan labis cusub ama ay labistaan iyagoo meel kuu raacaya, waxa yar ee ay kaa filayaan ayaa ah inaad faaniso ama ammaanto.

Inaadan ammaanin ama faanin waxay galineysaa dareen ah inay fool xuntahay isla markaana aysan qurxaneyn haddii ay xittaa labisato ama labiska ay markaas wadato.

  1. Habsiin la’aan ama dhunkasho la’aan

Ka sokoow waqtiyada aad wada raaxeysaneysaan labadiina, waxaa had iyo jeer wanaagsan inaad xabadka geliso/habsiin isla markaana aad dhunkato xaaskaaga.

Marka aadan u sameynin sidaas waxay dareemeysaa isticmaal kaliya. U muujinta jacayl xaaskaaga waqti kasta waa muhiim maadaama haddii aadan u muujin kalgacayl ay ku fekeri doonto inaysan wax soo jiidasho ah lahayn.

  1. Ku amaanidda haweeney kale ereyo aadan waligaa u isticmaalin xaaskaaga

Haweenka waa kuwo aad u maseera mar kasta oo raggooda ay ammaanaan haween kale. waxaa kasii daran, in xaaska ay si aad u fekerto isla markaana xumaan daran u aragto marka ninkeeda uu haweeney kale ku amaano ereyo uusan waligiis u isticmaalin ama ku faanin iyada waa xaaskiisa.

Related Articles

Back to top button