XIRIIRKA IYO GUURKA

Si Fudud Ninkaa Rabtid Uga Dhig Mid Isagana Ku Rabo Adigoo Sameynaya Waxyaabahan

Ma rabtaa in ninka aad ka dhigto mid ku rabo? Way fududahay taas haddii aad raacdo tilmaamahan fudud ee hoos ku xusan.

  1. Rumeyso inaad tahay qaali

Si ninku u noqdo mid ku raba, waa inaad marka hore aaminsanaataa inaad tahay haweeney u qalanta inuu jeclaado nin wanaagsan shuruud la’aan.

Si lamid ah, dhaqamadaada dhanka haasaawaha waa inay qeyb ka ahaadaan inaad tahay qof u qalma jacayl dhab ah.

Aaminsanaanta inaad tahay abaalmarin waxaa sidoo kale qeyb ka ah inaad naftaada ixtiraamto isla markaana aad xaduudo sameysato.

Sida uu sheegay Matthew oo ah la taliye dhanka xiriirka ah, ninka wuxuu kuugula dhaqmi doonaa qaabka aad u ogolaato inuu kugula dhaqmo.

  1. Ha noqon mid aad loo heli karo

Kahor intuusan go’aansan inuu xiriir dhab ah iyo mustaqbal kula yeesho, ha noqon qof uu mar kasta heli karo ama inaad haye dhahdo marka uu kusoo Waco isla markaana uu ku weydiisto kulan.

Inaad codsigiisa dhahdo maya waxay tuseysaa farriin ah inaad leedahay howlo kale oo muhiim kuu ah.

Sida laga soo xigtay Antonio oo ah kahbiir dhanka xiriirka lamaanaha waa in ninka uu ogaadaa madaxbanaanidaada.

  1. Ninka inta badan ha kula soo xiriiro isaga

Run ahaantii waad u xiistay waxaadna rabtaa inaad farriin u dirto ama aad wacdo? Iska celi rabitaankaas.

Marxaladaha hore, waa inuu noqdaa kan ugu horeeya ee wicitaanka sameeya ama farriinta soo dira ama xittaa qorshayaal keena.

Haddii aad tahay qofka mar kasta weydiiya inuu arko kadib waxaad u diideeysaa fursad uu ku xiiso isla markaana uu kugu soo raadiyo.

Related Articles

Back to top button