XIRIIRKA IYO GUURKA

Ugaar Ah Dumarka: Iska Ilaali Inaad 8 Arrimood Ku Sameyso Ninkaaga

Eegidda dhaqamadaada iyo waxyaabaha qaldan waa arrin aad muhiim ugu ah guurka iyo isku soo dhowaanshaha xaaska iyo ninkeeda laakiin dhibka jiro ayaa waxa uu yahay in dad badan ay ku guul dareystaan inay eegaan dhaqamadooda iyo qaladaadkooda.

Waxay isku heystaan inay saxanyihiin mana isku dayaan inay baaraan qaladaadka ay ku sameeyaan guurkooda.

Kuwani waa qaar ka mid ah qaababka caadiga ah ee xaasasku ugu fashilmaan guurkooda:

1. Waxaad rabtaa jaceylka iyo dareenka ninkaaga adiguna ma siisid

Way sahlantahay inaad jamato dareenka ninkaaga oo dhan laakiin ha hilmaamin inaad adigana ninkaaga usiiso dareenkaaga iyo jaceylkaaga si lamid ah sida uu kuu siiyo.

2. Ma siisid xushmad ku filan

Xushmeynta ninkaaga waxay tuseysaa inaad qiimeyso isaga. Haddii aadan xushmeyn waxay tuseysaa inaadan siin ixtiraam ku filan.

Haweeney ahaan waad fashilantay haddii aadan qiimeyn ninkaaga.

3. inaad dadka kale ka hor mariso ninkaaga

Waligaa ha liidin ninkaaga adigoo kahor marinaya amarkiisa amarka qof kale. Xaas ahaan waad fashilantay haddii aad qoyskaaga iyo saaxiibadaa kahormariso ninkaaga.

Si walbo oo ay dadkaas muhiim kuugu yihiin, ninkaaga ayaa ah mudnaantaada koowaad.

4. Anigaa mar walbo saxan

Aminsanaanta inaad mar walbo saxantahay waa qalad weyn. Waa inaad tanaasuli kartaa.

Haddii aad sidoo kale dooneysid in codkaaga la maqlo waa inaad sidoo kale dhageysataa ninkaaga.

5. Inaad galmada u isticmaasho gorgortan

Haween badan ayaa kulanka sariirta u arko hub — hub ay ku helaan waxay rabaan. Laakiin miyuu kulanka sariirtu yahay hub? Haddii aad kulanka raaxada u isticmaasho hub ahaan kadib waa inuu noqdaa hub kuusoo dhoweynaya ninkaaga.

Waa ficil aanan cadaalad ahayn inaad galmada u isticmaashid gorgortan.

6. Xasuusinta waxyaabo hore

Dhib malahan waxa uu horey u sameeyay ninkaaga, waa inaad iska iloowdaa. Dumar badan ayaa ku fashilma dhankaan iyagoo mar kasta ninkooda ku qabsada isla markaana xasuusiya qalad kasta uu mar hore sameeyay.

7. Qeylo

Xaasas badan ayaa aaminsan in qeylada ay badaleyso raggooda. Laakiin qeyladu way kasii fogeyneysaa raggooda kaliya ee uma soo dhoweyneyso.

Qeyladu waxay sababtaa inuu ninkaagu kaa cararo iyo inay adkaato inaad nabad ku hesho guurkaaga haddii aad tahay xaas qeylo badan.

8. Dhaleeceyn

Dumar badan ayaa dambigaan galo, iyagoo aanan ogeyn inay dhaawacayaan guryahooda. Inaad si joogto ah u dhaleeceyso ninkaaga waxay ku ridi doontaa cadaadis xad dhaaf ah oo ugu dambeyn keeni doona inaad weyso.

Xaas ahaan waad guuldareysatay markaad arimahaan sameyso. Noqoshada xaas maahan ma ahan magac kaliya, waa masuuliyad.

Related Articles

Back to top button