5 Siyaabood Oo Xaaskaaga La Isku Jecleysiiyo

Ragga badankood waxay aaminsan yihiin in kufiicnaanta sariirta ay ka dhigeyso iyaga kuwo wanaagsan oo haweenkoodu ay aad u jeclaanayaan. Nasiib darrose, taasi sax ma ahan.

Halkaan ka akhriso 5 talo oo kaa caawinaya inaad xaaskaaga ka dhigto mid aad kuu jecel.

  1. Ha xaqirin

Ka nin ahaan, waxaad marwalba rabtaa inaad dareento qiimeyn, rabitaan iyo wanaag, sidoo kale xaaskaagu isla sidaas ayay u baahantahay.

Hadaba, waligaa ha xaqirin wanaageeda iyo qiimaha ay u leedahay noloshaada.Qadarin iyo kalgaceyl u muuji. Tusi sida ay muhiim kuugu tahay adigoo tusaya sidaad ugu faraxsantahay.


  1. Dhiirigelin

Lammaanaha wanaagsan waxay isku dhiirrigeliyaan midba midka kale inuu fiicnaado isla markaana uu hormar gaaro.

Had iyo jeer ku dhiirrigeli inay hiigsato meel sare. Taageer, dhiirigeli oo dareen ahaan kor u qaad. Ka caawi sidii ay uga gudbi lahayd cilladaheeda.

  1. Joogteyn

Haddii aad doorato inaad had iyo jeer ka farxiso iyada, ka dibna sii wad taas. Ha noqon nooca ninka maanta qanciyo xaaskiisa oo farxad siiyo berritana dhaawac u geysto.


Noqo mid si joogto ah nolosheeda uga dhigo mid leh farxad iyo reynreyn.

  1. Had iyo jeer daacad noqo

Beenta aad ayey u adkaan kartaa in laga fogaado waana tan ku badan inta badan guurka. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad been sheegto si aad u ilaaliso farxadda gacalisadaadu.

Si kastaba ha noqotee, Caado haka dhigan inaad been u sheegto iyada. Isbar inaad markasta daacad noqoto. Haddii ay dhab kaa tahay inaad guurka ka dhigto mid shaqeynaya, markaa waa inaad wadahadalkaaga ka dhigtaa mid furan oo daacad ah.

  1. U dagaalan guurkaaga

Guurku wuxuu wajahaa caqabado. Markasta oo aad dareento inaysan wax hagaagsaneyn, noqo kan ugu horreeya ee iskudaya inuu wax xalliyo oo xaalada si caadi ah kusoo celiyo.

U cadee inaad qiimeyneyso guurkaaga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button