Qaabab Sahlan Oo Nin Lagu Tuso Inaad Nici Rabto Markii Uu Ku Dayaco

Marka ragga badankood ay bilaabaan inay xiriir la yeeshaan gabadh ama ay guursadaan, tiro fiican oo iyaga ka mid ahi waxay u muuqdaan inay si khaldan u adeegsadaan fursaddaas iyagoo ku raaxaysanaya xiriirka.

Waxa ugu xun ee ninku sameeyo ayaa ah inuu raaxeysto oo uusan sameynin wax uu haweenkiisa ku dareensiiyo jacaylka maalin kasta, taasoo sababta in haweeneydu ay bilawdo inay nacdo.


Halkaan ka khriso qaababka ay gabadha ku tusi karto ninka inuu dayacay ama kaalintiisii gabay isla markaana ay gacantiisa kasii bixi rabto.

1. La hadal

Haddii aadan rabin inaad ninka weyso, waxaad mar walba qaadan kartaa ikhtiyaarka ah inaad la hadasho oo aad u sheegto waxaad qabto.

Ogeysii inuu kaasii dhammaanayo dulqaadka ama aad nici rabto maalinba maalinta ka dambeysa isla markaana uu ubaahan yahay inuu kor isku qaado ama isbedel uu sameeyo.

2. Wax badan ha daneyn

Inaad waxbadan danaynin micnaheedu maahan in qofku gooyo waxa kala dhexeeyo lamaanaheeda, waxa kaliya ee ay tahay inaad sameyso ayaa ah inaad joojiso inaad daneyso waxyaabaha uu sameynayo.

Haddii uu ninku ku rabo, wuu ogaanayaa waxa jiro isla markaana bilaabayaa inuu kuusoo dhowaado oo uu weydiiyo waxa qaldan.

3. Ha u oggolaan inuu kugu tiirsanaado

Hab kale oo aad ku garansiin karto ninka inaad nici rabto ama ayaa ah adiga oo jaraya dhammaan caawimaadii aad siin jirtay. Ha ogaado inuusan kugu tiirsanaan karin adiga taasna waxay soo jiidan doontaa dareenkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button