3 Arrimood Oo Ay Tahay Inaad Sameyso Markay Gabadhu Kaaga Soo Jawaabin Farriimaha

Ma jiraan wax ninka dareensiiya inuu liito oo lamid ah inaan looga soo jawaabin fariimo qoraaleedyadooda. Qof walba ayay taasi ku dhacday. Dareenkaaga oo dhan ayaa isbedelaya.

Runtii waa wax la dhibsado, laakiin waa inaadan ogolaan in dareenkaagu kaa tan badiyo. Markay muddo dheer kaa aamusnaato, markaa wax kasta khasab haku raadin adoo u diraya farriimo tiro badan. Waxay noqon kartaa inaysan ku rabin.


Kuwani waa waxyaabaha ugu fiican ee la sameeyo markay kaa aamusnaato oo aysan rabin inay ka jawaabto fariintaada;

1. Farriin qoraal ha u dirin

Ma muujineyso sawir wanaagsan haddii aad sii wado inaad u dirto farriimo isdaba joog ah.

Adiga ayaa noqon doona midka khasaaraya. Way kaa faa’iideysan doontaa iyadoo iska indhatireysa farriimahaaga. Markay ku aragto inaad isku dayeyso inaad hesho ama si aad ah ugu dadaaleyso helitaankeeda, ma sameyn doonto wax ficil ah. Kaliya iska jooji farriimaha aad u direyso

2. Ha sameyn wax malo ah

Waxaa laga yaabaa inaad horeyba uga fikirtay dhamaan sababaha aysan kuugu soo direynin farriin. Waxaa laga yaabaa inay mashquulsan tahay, inaysan dooneyn ama shaqo ay heyso. Ha u boodin gabagabada.

Waxaa jiri kara sababo aan la soo koobi karin oo dhab ah oo aysan farriin kuugu soo direyn. Mar dambe ayey farriin qoraal kuu soo diri kartaa.

Si kastaba ha noqotee, haddii aysan kuusoo dirin, sida muuqata, ma xiiseyneyso inay xiriir kula yeelato.

3. Iska dhig taleefanka

Way aqrisay fariintaada laakiin jawaab kama bixinayso. Tani waxay ka dhigan tahay inaysan wax jaceyl ah qabin maxaa yeelay ma jirto hab gabar adiga ku jecel ay iskaga indhatiri karto farriimahaaga

Iska fogee taleefankaaga si aadan ugaarin go’aanno xun. Xaqiiqdii, haddii ay suurta gal tahay dami oo ha u dirin markale farriimo. Marka hawo qaado oo iska ilaali inaad walaac isku furto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button