4 Siyaabood Oo Lagu Ogaado Gabadha Aad Jeceshahay Inay Ku Rabto

Waan ogahay sida ay u adagtahay dabagalka haweeneyda riyadaada ah. Waan ogahay sida ay u adagtahay hanashada dareenkeeda iska daa inaad ku guuleysato qalbiga gabadha aad jeceshahay.

Way kasii adagtahay xitaa haddii ay bilawdo inay ku siiso calaamado isku dhafan iyo dabeecado kala duwan oo waxaa kugu dhacaya jahwareer.


Marka sidee ku ogaaneysa inay run ahaantii ku rabto laakiin ay rabto inay hubiso arrimo kale oo adiga kugu saabsan. Waa kuwan afar qaab oo lagu ogaado;

  1. Markay kaa fekerto

Waxaa jiraan astaamo lagu garto marka gabadha ay rabto ninka kuwaas oo noqon kara kuwo caddeyn ahaan ugu filan ninka ragga ah.

Mid kamida astaamahaas ayaa ah inay gabadha ka fekerto noloshaada. Way kusoo wacdaa si ay uun u ogaato caafimaadkaaga, inaad quraacatay iyo inkale, haddii aad si fiican u seexatay ama inay kuu rajeyso habeen wanaagsan, qoraal ahaan ama mararka qaarkood waxay go’aansataa inay kusoo wacdo.

Ragga qaar horey ayay ka ogaadaan inay gabadha rabto markii ay ku arkaan tilmaamtaan sababtoo ah qof walbo kaama fekerayo, gabar aanan ku rabina kaama fakareyso.

  1. Waxay bilaabeysaa inay sameyso waxyaabo horey ayey u diidi jirtay inay kuu sameyso

Tani waa arrin layaab leh, makii hore waxaa ka codsatay inaad damaashaad u waddo way kaa diiday ama waxay la timaaday mar marsiiyo si aysan kuu niyad jabin.

Hadda, waad usoo jeedinaysaa oo waxay ku leedahay waan ku soo ogeysiin doonaa, kadib hadhow, haa waan aadeynaa … Taasi waa sida ay wax u socdaan. Waxaad bilaabi doontaan inaad isla soo wada damaashaadaan oo waqti aad soo wada qaadataan, waxaad bilaabi doontaan inaad sawiro soo wada gashaan iyo kuwa kaloo badan. Gabadhuna wali kuma aysan odhan haa.

  1. Waxay rabtaa inay barato dadkaaga

Tani waa daqiiqad rajo ah, waxaad bilaabeysaa inaad aragto iftiinka. Waxay rabtaa inay barato ehelkaaga, ugu yaraan walaalaha.

Waxay ka dhigan tahay inay isku kululeyneyso ka mid noqoshada qoyskaaga. Waxay rabtaa inay calaamadeysato booskeeda ay ku leedahay qoyskaaga iyo sidoo kale kan noloshaada.

Markii ay cidda kala barato oo ay si wanaagsan u dhex gasho kadib way qanci doontaa waxaadna billaabi doontaa inaad ogaato inay ku faraxsantahay la joogaaga. Ma dooneyso inay ku weeyso, waxayna raadineysaa qaabab ay ku ilaashato dhulkeeda.

  1. Markay dareento hinaase

Waqtigaan ayay u badan tahay inay kuu sheegi doonto dareenkeeda adiga kugu aadan. Way maseertaa markeey aragto adigoo la socdo haween kale ama la hadlaya.

Tani waa tilmaan cad oo muujineysa inay ku rabto gabadha. Meesha maseyrku ka jiro waxaad ka helaysaa jacayl. Ilaali gabadhaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button