XIRIIRKA IYO GUURKA

Waxyaabaha Ay Haweeneydu Maskaxda Ku Heyso Markay Ogolaato Inay Xaaskaaga Noqoto

In la guursado waxay haweeneyda u tahay riyo u rumoowday; haweeney kastana waxay jeceshahay in hal mar la guursado oo qoys qurux badan ay wada yeeshaan nin ay jeceshahay.

Si kastaba ha noqotee, had iyo jeer ma dhammaato riyada ah inay noqoto ‘Marwo’, waxaa jira waxyaabo badan iyo filashooyin fara badan oo dumar badani maskaxda ku hayaan ka hor guurka.

Hoos ka akhriso qaar ka mid ah:

1. Waxay rabtaa guur leh farxad iyo qofkaas ay nolosha la wadaagtay inay wadajir ahaadaan inta noloshooda ka dhiman.

2. Waxay rabtaa ninkeeda inuu marwalba jeclaado iyada, xilliyada wanaagsan iyo kuwa xunba.

3. Waxay rabtaa ninkeeda inuu daacad u ahaado mar kasta; way qalbi jabeysaa haddii ay ogaato in ninkeedu khiyaano iyada.

4. Waxay jeceshahay inay noqoto farxadda ninkeeda iyadoo jeclaan lahayd in isagana uu had iyo jeer u istaago iyada.

5. Waxay rabtaa in la ixtiraamo.

6. Waxay rabtaa ninkeeda inuusan noqonin nin jeceyl leh oo keliya laakiin sidoo kale aabe cajiib ah.

7. Waxay rajeyneysaa inay carruur u dhasho ninkeeda oo ay wada yeeshaan qoys qurux badan.

8. Waxay rabtaa inay noqoto xaas iyo hooyo lagu faano.

9. Waxay rabtaa ninkeeda inuu had iyo jeer ka helo una arko inay tahay mid qurux badan.

10. Waxay rabtaa in iyada iyo ninkeeda ay wada dhisaan guur ay si fudud aragtideeda usoo bandhigi karto loona fahmi karo.

11. Waxay rabtaa in la dhagaysto.

12. Ma rabto in ninkeedu wax ka qariyo; waxay rabtaa inuu ku kalsoonaado.

13. Waxay rabtaa ninkeeda inuu ku taageero riyadeeda, sida ay isaguba ugu taageeri lahayd riyadiisa.

14. Ma rabto in guurku qaraar noqdo ama xumaado labo sano ka dib; naagna ma rabto taas.

15. Waxay rabtaa ninkeeda inuu jeclaado isagoo aan eegin cilladaheeda.

16. Halkii uu cambaareyn lahaa iyada, waxay rabtaa nin iyada toosiya oo ka caawiya inay noqoto qof wanaagsan.

17. Waxay rabtaa in la qiimeeyo, la jeclaado oo la ixtiraamo. Ma rabto in jaceylka uu ninkeedu u qabo uu waligiis dhinto.

18. Waxay rabtaa ninkeeda inuu noqdo aabbe masuul ah.

19. Waxay rabtaa inay ninkeeda la yeelato wada hadal macno leh oo qoto dheer. Waxay rabtaa nin iyada fahmi kara oo aan waligeed ka mashquulin.

20. Waxay rabtaa ninkeeda inuu awoodo inuu cafiyo.

21. Waxay rabtaa ninkeeda inuu had iyo jeer ula dhaqmo sidii inuu wali isku dayayo inuu kasbado qalbigeeda; taasi waa sida uu utusi karo inuu walli iyada qaddariyo.

22. Waxay wali rabtaa inay ninkeeda farxad iyo waqtiyo wanaagsan la qaadato.

Related Articles

Back to top button