XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Sababood Oo Xaas Faraxsan Ay U Sameyso Guri Faraxsan

Waa hubaal inaad maqashay odhaahda ah ‘Xaas faraxsan macnaheedu waa guri faraxsan’.

Gurigu wuxuu u muuqdaa inuu yahay mid faraxsan oo aad u nidaamsan marka haweeneydu faraxsan tahay marka loo eego markay faraxsaneyn.

Muxuu yahay isbedelka ay sameyso markay xaasku faraxsantahay?

1. Waxay muujineysa inay guurka ku qanacsantahay

Farxada xaaska guriga joogta ayaa astaan u ah qanacsanaanta guurka. Markay haweeneydu ku qanacdo guurkeeda, markaas kaliya ayay farxi kartaa.

Si kastaba ha noqotee, markii aysan qanasaneyn , ma faraxsanaan doonto – mana jirto hab gurigu u noqon karo mid faraxsan haddii aysan xaasku qanacsaneyn.

2. Waxay muujineysaa inay xiriir wanaagsan la leedahay ninkeeda

Marka ay haweeneydu ku qanacdo guurka, waxay sidoo kale muujineysaa inay ku qanacsan tahay ninkeeda iyo in xiriir wanaagsan uu la leeyahay midba midka kale.

3. Waxay ku dadaashaa inay guurka ka dhigto mid wanaagsan

Marka haweeneyda ay ku qanacdo guurkeeda, waxay galineysaa dadaal dheeri ah inay gurigeeda ka dhigto mid aad u wanaagsan; waxay sidoo kale isku dayeysaa inay ilaaliso jacaylka iyo farxadda guurkaas iyadoo ka shaqeyneysa inay dhisto kaliya guurkeeda maahan, laakiin qoyska iyo guriga gebi ahaanba.

4. Ma ahan xaas qeylo badan

Maadaama haweeney xanaaq badan la dhibsan karo in lala noolaado, inta badan maahan, sababta asalka u ah xanaaqeeda iyo cabashadeeda ayaa jirta.

Marka isla haweeneydaasi ay ku faraxsan tahay guurkeeda iyo ninkeeda, inyar ayay caban doontaa – tanina waxay guriga ka dhigeysaa mid nabdoon.

5. Way iska cadahay in ninku shaqo fiican qabanayo

Haweeneyda inay ku faraxsanaato guurka ayaa ka timaada xaqiiqda ah in ninkeedu shaqo fiican qabanayo. Markay faraxsan tahay, ninka ayaa sidoo kale laga yaabaa ayna u badan tahay inuu isna faraxsan yahay.

Dhisida guri farxad leh iyo inaad yeelato qoys farxad leh wax badan ayey kuleedahay xaaska.

Haweeneydu inta badan waxay hagaajisaa guriga waxayna daryeeshaa carruurta; qiyaas markay ku faraxsaneyn inay howshaas sameyso.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in la ogaado in haweenku ay saameyn badan ku yeeshaan carruurta, sidaa darteed waxaa ugu wanaagsan in farxadeeda la ilaaliyo.

Related Articles

Back to top button