XIRIIRKA IYO GUURKA

Sida Loo Xaliyo Khilaafaadka Guurka Iyadoo Midba Midka Kale Uusan Dhaawaceyn

Khilaafaadka guurka ayaa xitaa saameeya lamaanayaasha ugu farxada badan. Laakiin sidee lagu xaliyaa muranka marka aad u muuqataan inaadan heshiin karin?

Waxaan eegeynaa 8 siyaabood oo xushmad leh oo aad ku xallin karto khilaafka guurka adiga oo aan sababin inaad isku dhacdaan ninkaaga/xaaskaaga.

1. Ha qaylin – Wadahadal

Isgaarsiintu waa aasaaska xiriir wanaagsan oo caafimaad qab noqda. Lamaanayaasha isla wada xiriira ayaa dhisaya dareen kalsooni leh. Waxay fahmayaan sida midka kale u fikiro waxna u dareemo waxayna yaqaanaan waxa kiciya mid walbo oo ay tahay in laga fogaado.

Si joogto ah ula xiriir lamaanahaaga – gaar ahaan haddii aad khilaafsan tahay ama aad kala aragti duwantihiin.

Markay xaaladdu kululaato, way adkaan kartaa inaad isdajiso. Haddii aad rabto inaad xalliso khilaafka xiriirka adiga oo aan waxyeello u geysan lamaanahaaga, ka fogow qeylada.

2. Baro Dhageysiga

Dhageysigu wuxuu muhiim u yahay sida hadalka oo kale marka ay timaado xallinta khilaafaadka.

Waxaad tusaysaa lamaanahaaga ixtiraam iyo sharaf markaad maqasho wuxuu leeyahay. Waxa kale oo wanaagsanaan lahayd inaad aamusnaato oo aad samirto inta saygaaga / xaaskaaga uu dareenkiisa ama keeda ay ka hadlayso.

Waxaad sidoo kale ku xallin kartaa khilaafka xiriirka si xushmad leh adoo ka fogaanaya waxyaalaha ku mashquulinaya sida taleefanka, daawashada telefishin iyo wixii lamid ah.

3. Dooro Waqtiga Saxda ah ee aad Keeni karto Kala duwanaanshaha

Haddii aad hayso arrin aad rabto inaad si wanaagsan ugala hadasho seygaaga / xaaskaaga, waxaa muhiim ah inaad doorato waqtiga saxda ah ee aad soo qaadanayso ama soo bandhigeyso.

Way sahlanaan doonta xallinta mushkiladaha iyo in sidii loo baahnaa wax looga qabto haddii seygaaga / xaaskaaga aysan mashquul ahayn isla markaana uu ku jiro ama ay ku jirto niyad wanaagsan.

Laakiin soo gudbinta mowduuc horseedi kara dood iyo isku dhac ma wanaagsana gaar ahaan haddii mowduucaasi uu yahay mid la dhibsanayo.

4. Ilaali hadalkaaga

Waxaad u maleyn kartaa inaad si akhyaarnimo ah wax ugu sheegeyso lamaanahaaga kaliya aad ka war hesho isaga/iyada oo ilmada ay ka qubaneyso.

Haddii aad rabto inaad xalliso khilaafka guurka adigoon waxyeello u geysan lamaanahaaga, iska ilaali inaad adeegsato ereyo xun iyo kuwo yasmo ah.

5. Ixtiraam muuji

Markii arrimuhu ay kululaadaan, waxaad ku dhaqaaqi kartaa hadallo ixtiraam darro ah ama ficillo caadiyan aadan sameyn.

Inaad lamaanahaaga aad ula dhaqanto si aan ixtiraam lahayn waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu xun ee aad sameyn karto inta lagu jiro muranka.

Waad xallin kartaa khilaafaadka guurka adiga oo aan waxyeello u geysan lamaanahaaga islamarkaana daqiiqad meel fadhiisanaya si aad isku dajiso. Xallinta khilaafaadka ma ahan inaad qeyliso ama soo faagto boogihii hore.

6. Baro Cafiska

Hal dariiq oo aad uga fogaan karto inaad dhaawacdo dareenka lamaanahaaga inta lagu jiro khilaafka guurka waa inaad barataa sida wax loo cafiyo.

Way fududahay in la dhaho waan cafiyay qof, laakiin cafiska ayaa ka badan ereyadaada.

Waxaad muujineysaa inaad cafisay qof markii aad ogolaato arrinta jirta in la iska daayo – adigoon soo qaadaneyn arrintaas mustaqbalka hadaad doodaan lamaanahaaga.

Cafiska dhabta ah macnihiisu waa inaad iska dhaafto xanaaqa aad dareemeyso oo aad lamaanahaaga kula dhaqanto kalgacal iyo ixtiraam kadib marka ay dooda dhamaato.

7. Kala aragti duwanaansho

Haddii ay ku saabsan tahay siyaasad, ganacsi ama arrimo kale, waxaa jiri doonaan marar adiga iyo lamaanahaaga aadan si fudud ugu heshiin karin ama ay imaaneyso kala aragti duwanaansho.

Xaaladahan oo kale, waxaa fiican inaad lamaanahaaga ku ixtiraamto aragtidiisa oo aadan qasbin.

8. Xusuusnow inaad isjeceshihiin

Waxaa dhacda in qofku xakameyn waayo dareenkiisa marka uu caroodo, laakiin waxaa muhiim ah inaad xusuusato in qofka aad murmeysaan uu sidoo kale yahay jacaylka noloshaada.

Xitaa lamaanayaasha ugu farxada badan kuma heshiiyaan wax kasta.

Related Articles

Back to top button