XIRIIRKA IYO GUURKA

6 Arimood Oo Ay Tahay Inaad Ka Ogaato La-haasaawida Dumarka Xishoodka Badan

Dumarka xishoodka badan ayaa kala duwan; sida ay u hadlaan, dabeecadohooda iyo dhaqankooda ayaa si weyn uga duwan gabadha caadiga ah.

Inaad xiriir la yeelatid gabar xishood badan runtii waxay noqon kartaa mid aad u fiican marka la eego haddii aad awoodo inaad la qabsato ama aad fahanto.

ILA QOSOL: 3 Marmarsiiyo Oo Ragga Xishoodka Badan Ay U Sameeyaan Inaysan Lahayn Gabar Saaxiib Ah

Waxaa jiraan waxyaabo gaar ah oo laga ogaado gabadha xishoodka badan.

1. Waxay jeceshahay nin jacaylka wax ka yaqaano

Gabadha xishoodka badan waxay jeceshahay in ninku jeclaado oo uu kolkooliyo; waxay jeceshahay ninka kalgacaylka leh – nooca aad ku aragto filimada.

Sidaa darteed Haddii aad tahay nin kalgacayl leh oo qiimeyn iyo qadarin u muujin karo markaa waxaad tahay nooca ninka ay raadineyso.

2. Jacayl dhab ah

Haddii aad ku guuleysan karto qalbigeeda, gabadha noocaas ah waa nooca jeclaan lahaa inaad udub dhexaad u noqoto. Jacaylkeedu waa mid dhab ah oo waara.

3. Waa daacad

Haweeneyda xishoodka badan waa nooca taageera ninkeeda abaar iyo aaran; waa haweeney daacad ah oo qalbi wanaagsan. Sidoo kale, waa mid lagu kalsoonaan karo.

4. Kaligeed iskama fakarto

Iyadu waa nooca ka tagi kara raaxadeeda iyo danteeda si ay u caawiso dadka kale, taasina waa tilmaan wanaagsan oo ay leedahay. Gabadha noocaas ah waa mid naxariis badan, oo lala socon karo waxayna jeceshahay in la iscaawiyo.

5. Dhoollacdeynta

Hadaad ka dhoola cadeynsiin karto markaa waad jeclaan laheyd waxaad aragto. Dhoola caddeyntaas qarsoon ee xishoodku ku laranyahay waa dhab, saafi ah oo la jecleysto. Waxay kasii dhigeysaa mid aad u qurux badan.

6. Ammaanta

Waxaa laga yaabaa inaysan bixin jawaabta saxda ah ee amaanta, laakiin si fiican ayay u dareemeysaa bogaadinteeda. Ammaanta way ka farxisaa iyada oo hubaal waxay soo saari doontaa dhoolacadayn qurux badan.

Gabadha xishoodka badan ayay fududahay in lala dhaqmo; mar hadaad fahanto.

Related Articles

Back to top button