XIRIIRKA IYO GUURKA

Ragga: 4 Arrimood Oo Aad Sameyso Oo Dhaawaca Dareenka Gacalisadaada

Ragga qaar ma oga in ficiladooda qaar ay ku ridi karaan dumarkooda qalbi jab. Inta badan wiilasha kama warqabaan dhibaatada ay u geystaan haweenkooda.

Waxaa jira in haween badan aysan u sheegin raggooda sida ay uga xanaaqsan yihiin sababo la xiriira jacaylka ay u qabaan ninkooda dartiis.

Waa kuwaan shan arrimood oo inta badan aad sameyso oo dhaawaca dareenka xaaskaaga kuna rida niyad jab iyo walbahaar.

1. Qiyaano

Hagaag, maahan in nin walba uu khiyaano xaaskiisa laakiin waxaa jira waxyaabo dumarka ka masayriya. Waxaa laga yaabaa inaadan si dhab ah u qaadan arrintaan laakiin waa arrin jirta. Tusaale ahaan, waxaad haween kale ula ciyaari kartaa qaab haweeneydaada aysan jecleyn taasna waxay galineysaa dareen ah inaad khiyaanayso iyada ama waxay keeni kartaa inay dareento masayr.

Waxaa laga yaabaa inaysan kuu sheegin laakiin qalbiga waxay ka dareemeysaa walwal qotto dheer.

2. Ula Dhaqmida Si Aanan Wanaagsaneyn

Ragga qaarkood xushmad uma hayaan dumarka, waxay u arkaan inay yihiin wax aan jirin. Haddii aadan ixtiraamin xaaskaaga oo aad u qaadatid wax caadi ah. Ma dareemi doonto farxad tanina waxay keeneysaa inay ka qoomameyso inay ku jeclaato markii hore.

Dumarku waxay u duceeyaan ragga daryeelaya oo jecel maadaama ragga noocaan ah ay haweenkooda ixtiraamaan islamarkaana ku jecelyihiin oo ay ku qanacsanyihiin sida ay yihiin.

Hadaad jeceshahay naagtaada waa inaad markasta qadarisaa oo aad u ogolaataa inay ku biiriso fikradeeda ku aadan horumarka xiriirka.

Waa inaadan noqon nin ku fashilma qadarinta xaaskiisa oo xaqira markasta. Sameynta arrintaan waxay keeneysaa in gabadhu ooyso marwalba waxaana laga yaabaa inay nacdo xiriirka.

Hadaad tahay nin caynkaasi ah waxaad ubaahantahay inaad hada joojiso oo aad waydiisato cafis waayo iyadu waa bini aadam mudan in loola dhaqmo si wanaagsan oo qurux badan.

3. Inaad Ku Dhahdo Erayo Xanuun Badan

Ragga qaar ma yaqaanaan sida loola xiriiro haweenkooda, inta badan waxay adeegsadaan hadalo qalafsan oo dhaawacaya dareenka haweenkooda.

Waa inaadan u isticmaalin ereyo caay ah gabadha aad sheegto inaad jeceshahay. Xanuunka aad dareento marka qof ku caayo mid lamida ayay dareemeysaa maraad caayso.

Halkii aad u adeegsan lahayd ereyo aflagaado ah iyada, waa inaad isku daydaa inaad wax ka barto saameynta dabeecaddeeda iyo dhaqanka aanan wanaagsaneyn ee aad ku aragto ay ku yeelanayaan xiriirka oo markasta saxdo khaladaadkeeda.

Tani waxay ka caawin doontaa inay maskax ahaan u korto oo si daacad ah ayey kuu jeclaan doontaa.

4. Ka Mashquulid

Markaad siin weydo dareenka ay u baahan tahay, ma faraxsanaan doonto. Markaad ka tagto kaligeed oo ay cidlo iyo wehel la’aan iska joogto habeen iyo maalin waxay dareemeysaa niyad jab.

Waa inaad gacalisadaada siisaa dhamaan dareenka ay ubaahantahay tani waxay keeni doontaa inay ku caawiso oo ay ku dadaasho inay kaa farxiso. Waa inaadan waligaa adkeyn xiriirkiina.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button