5 Sifo Hadaad Ku Aragto Gabadha Caruurtaada Waxay Heli Doonaan Hooyo Cajiiba Ee Guurso

Sida caadiga ah inta lagu jiro marxaladda shukaansiga, way adag tahay in ninku ogaado in haweenayda uu doonayo inuu nolosha la wadaago ay hooyo wanaagsan u noqon doonto carruurtiisa iyo in kale.

Halkaan ayaan idin kugu soo gudbineynaa tilmaamaha aad ku garan karto haweeneyda aad la haasaaweyso inay noqon doonto hooyo fiican.

1. Way u fiicantahay Caruurta

U fiirsashada sida ay ula dhaqanto carruurta dadka ayaa kuu sheegi karta wax badan. Haddii ay muujiso inay ku fiican tahay carruurta iyadoo la eegayo habka ay ula dhaqanto iyaga, tani waa calaamad muujineysa inay noqon doonto hooyo cajiib ah.

2. Way samirtaa

Carruurta ayaa lagu yaqaan inay qas badan yihiin mararka qaarkood. Haddii haweeneyda aad shukaansaneyso ay had iyo jeer deggan tahay xitaa marka ay xanaaqdo oo aysan ku deg degin inay qaadato go’aanno ku saleysan shucuurteeda, waxay noqon doontaa hooyo aad u wanaagsan.

3. Nafhur

Hooyada wanaagsan waa tan diyaar u ah inay nafta u hurto carruurteeda. Haddii ay dadka ula dhaqanto si naxariis leh oo aysan baahiyaha dadka kale iyo baahidaada ka hor marin teeda, tani waa calaamad tilmaameysa inay noqon doonto hooyo fiican.

4. Nadaafad

Carruurta waxaa lagu yaqaan inay yihiin kuwo iswasakheeya marka haddii gabadha aad shukaansaneyso ay ku fiicantahay dhanka nadaafada, waxay ka dhigan tahay inay noqon doonto hooyo wanaagsan.

5. Fikradeheeda barbaarinta waxay la mid yihiin kuwaaga

Mid ayaa sidoo kale garan kara in haweeneyda uu jecel yahay ay noqon doonto hooyo la yaab leh haddii fikradeeda barbaarinta ay la mid tahay ta isaga. Lahaanshaha isla fikradaha barbaarinta waxay fududayn doontaa habka go’aan qaadashada marka aad carruur leedahay.

Related Articles

Back to top button