Home ARIMAHA BULSHADA Cuntooyinka Kaa Caawin Kara Sare u Qaadida Korinta Timahaaga

Cuntooyinka Kaa Caawin Kara Sare u Qaadida Korinta Timahaaga

0
Cuntooyinka Kaa Caawin Kara Sare u Qaadida Korinta Timahaaga

Cuntooyinka Kaa Caawin Kara Sare u Qaadida Korinta Timahaaga. Cunnadu waxay kaalin muhiim ah ka cayaartaa ilaalinta timahaaga caafimaad ahaan. Waana sababtaas waxay koriimada timahaaga ugu xiranyihiin waxaad quudiso.

Waa kuwaan 3 cunto oo aad u sarreeya oo kaa caawin kara koritaanka timahaaga;

1. Bataati macaan

Bataati macaanku ma helo qiimeyn ku filan marka ay timaaddo inta ay le’eg tahay faaÔÇÖidada iyo nafaqooyinka uu siiyo jirkeena.

Khudaartaan aanan la qiimeyn oo la iska indha tiray waxtarkeeda ayaa waxay aad muhiim ugu tahay timaha.

Waxaa ku jira fitamiin A oo ka hortaga qallaylka iyo in midabka timahu ay baaba’aan. Fitamiin A wuxuu kor u qaadaa caafimaadka madaxa iyo koritaanka timaha.

2. Ukunta

Dhamaanteen waan ognahay in ukunta ay tahay ilaha ugu weyn ee borotiinka, laakiin waxa laga yaabaa inaanan ogeyn borotiinka ku jira ukumaha inay nafaqo u yihiin timahaaga.

Sidaa darteed waxay kor u qaadeysaa koritaanka timaha. Inaad si caadi ah u isticmaashid ukunta oo aad mariso timahaaga iyo inaad ku darsato cuntadaada waa mid ka mid ah hababka fudud ee aad ku heli karto timo caafimaad qaba.

Ka sokow in Ukunta ay ka buuxaan borotiinno, xabka jaalaha ah ee ku jira ukunta gudeheeda ayaa leh nafaqooyin la yiraahdo biotin oo xoojiya xididdada timahaaga kana hortaga timo lumis.

Ukunta ceyriinka ah oo aad timahaaga mariso waxay kor u qaadaa koritaanka timaha, waxay ka hortagtaa timo lumis, waxay ku kordhisaa dhalaal, iyadoona ka hortagta jajabka korna u qaada caafimaadka timaha.

Marka haddii aad la tacaalayso timo lumis ama burbur dhanka timaha ah ama aad dooneysid timo dhaadheer, ukunta ayaa noqon karta xalkaaga.

3. Isbinajka

Caleenta cagaaran ee isbiinajka ayaa wax badan samayn karta marka laga hadlayo koritaanka timahaaga.

Spinach waxaa ku jira fitamiin A, Vitamin C, folate iyo Bir, kuwaas oo quudiya madaxaaga islamarkaana hubinaya in timahaaga ay koraan iyagoo caafimaad qaba.

Sidaa darteed, haddii aad la tacaaleyso timo jajab , cun waxoogaa isbiinaj ah.

Previous article3 Arrimood Kaliya Sameey Marka Ay Gacalisadaada Kaa Carooto Kadibna Arag Waxa Dhaca
Next articleWaxyaabaha Ay Haweenku Sameeyaan Ee Keena In Raggu Ay Nacaan