Sifooyinka Cajiibka Ah Ee Gabadha Wanaagsan & Waxyaabaha Ay Uga Soocantahay…

Waa tuma haweeneyda wanaagsan ee qiimaha iyo kartida leh? Maxaa ka dhigaya mid ka soocan dumarka kale? Maxay yihiin sifooyinkeeda iyo astaamaheeda?
Waxaan aaminsanahay inay sax tahay in la yiraahdo haweeneyda wanaagsan ee qiimaha leh waa tan leh qaar ama badi sifooyinkan hoose:
1. Waa kuwo adag oo isku kalsoon
Haweenka wanaagsan ee qiimaha leh waxay leeyihiin awood gudaha ah oo ku riixaysa inay dadaalaan xitaa marka uu nasiibku ka hiiliyo. Waxay leeyihiin kalsooni xooggan oo ay aaminsanyihiin inay wax walba ku qaban karaan.
2. Fikrad wanaagsan iyo aragti dheer
Haweenka qiimaha leh waxay si sax ah uga fikiraan wax kasta oo ay sameeyaan; Kaliya ma u sameeyaan wax kasta dadka ayaa sameynaya balse waxay isku dayaan oo kaliya inay sameeyaan waxa saxda ah ee u wanaagsan iyaga.
Waxay u baahan tahay xoog badan in la sameeyo wixii wanaagsan maadaama adduunka uu noqday meel dadku u beddeleen wixii khaldan inay noqdaan wax sax ah.
3. Farxaddooda kuma xiraan dad kale
Haweenka wanaagsan waa haween madax-bannaan oo xooggan kuwaas oo aan kaliya lahayn aragti iyo horey u socosho laakiin sidoo kale waxay raadiyaan isha ay farxadda ka helayaan.
Haweeneyda wanaagsan waxay fahamsan tahay in haddii dadka kale ay ka dhigto isha farxadeeda kaliya ay taasi u keeneyso farxad la’aan.
4. Ma kibir badna
Naagta wanaagsan waa is-hoosaysiidaa, waana mid si fudud loola socon karo; Waxay dadka ula dhaqantaa si xushmad leh, iyada oo aan eegin darajadeeda iyo maqaamkeeda. Ma ogolaato han wayni inay dareento iyo inay ka sarayso qof kasta oo ay la kulanto.
5. Cafis
Haweeneyda wanaagsan muddo dheer qalbiga kuma heyso waxyaabaha ay dadka kale ku sameeyaan; waxay fahamsan tahay in cafiska inkabadan iyada uu ka faa’iidaysto qofka dulmiyay. Waxay fahamsan tahay in nabdoonida nolosheeda ay tahay tan ugu muhiimsan.
6. Horey u socod
Haweeneyda wanaagsan horey ayay u dhaqaaqdaa; nafteeda iyo dadka kale way cafidaa. Kuma xajisato qalbigeeda wixii hore; waayo-aragnimo kasta wax beey ka barataa oo waxay isku daydaa inay ka caqli badnaato halkii ay ku dhegganaan lahayd wixii hore.
7. Qiimo ayay leedahay
Naagta wanaagsan waa mid qiimo leh; way isdhistaa ilaa xad ay noqoto il ay dumarka kale ku daydaan. Waxay leedahay talooyin badan oo ay ku siin karto xitaa wada sheekeysi aad la yeelato ayaad ka faa’idi doontaa aqoon badan.
8. Nateeda kaliya kama fikirto nafteeda
Haweeneyda wanaagsan kaliya kama fikirto nafteeda, waxay sidoo kale ka fikirtaa dadka kale mana ka talaabsato dadka si ay u guulaysato.
9. Haweeneyda wanaagsan waqtiga isagama lumiso waxyaabaha yaryar ee aan loo baahnayn, waxay waqtigeeda ku bixisaa waxyaabo qiimo leh mana lumiso diirada nolosheeda.
10. Marka xiriir ay noqoto, haweeneyda wanaagsan waxay soo saartaa wanaaga ninkeeda.
Sifooyinkeeda wanaagsan ayaa sidoo kale ninkeeda ka dhigaya qof wanaagsan.
11. Naag wanaagsan way is dhistaa; Kaliya kuma ekaato quruxdeeda dibadda ah. Waxay aad u daneysaa quruxdeeda gudaha waxayna ka shaqaysaa cilladeheeda.