XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Arrimood Oo Ninka Ku Qasbi Kara Inuu La Joogo Haweeney Uusan Jecleyn

Waligaa xiriir mala yeelatay nin oo ma dareentay inuusan ku jecleyn? ama uusan si dhab ah u rabin inuu kula joogo? Laakiin wali wax kuuma kala cadeyn adiga, waa hagaag haddii aad tahay qof dumar ah waxaa laga yaabaa in maqaalkan uu kusoo galo.

1. Samaanta oo badan

Waxay u badan tahay inaad dhaqdo una feereyso dharkiisa, aad u karisid cunto macaan, taageerto islamarkaana aad waqti fiican sariirta ku siiso laakiin markii intaas laga soo tago inuusan ku jecleyn.

Hadeey haweeneydu leedahay astaamahan cajiibka ah waxay u badantahay in ninku uusan ka tagin haweeneyda isagoo aanan jecleyn balse eegaya waxyaabahan cajiibka ah ee ay u sameyso sidaana ugu qanco inuu la joogo.

2. Cadaadiska qoyska

Waa macquul inaad tahay lammaane la qorsheeyay ama lagu daray qofka kale sidaa darteed lammaanahaagu uusan haysan wado uu kaaga tago sidaa darteed wuu kula joogayaa mana ahan inay ku faraxsan yihiin inay kula joogaan laakiin waxay fulinayaan rabitaanka waalidkood.

3. Caruur

Nin ayaa laga yaabaa inuusan ka tagin xaaskiisa uusan jecleyn sababo la xiriira caruur ay u dhashay darteed.

Isagoo eegaya caruurtiisa iyo inaysan ka dayacmin ayuu go’aansan karaa inuusan ka tagin haweeneyda maadaama aysan mar kasta jirin qof caruurta uga wanaagsan hooyadood.

Sidaa darteed, in ninka oo eegaya danta caruurtiisa uusan haweeneydiisa ka tagin ayaa kamid ah sababaha ugu waaweyn ee keena in ragga ay la joogaan haween aysan jecleyn.

Related Articles

Back to top button