XIRIIRKA IYO GUURKA

Haasaawaha (Ugaar Ah Ragga): 17 Arimood Waa Inaadan Ku Sameyn Gabadha Aad Shukaansaneyso

Shukaansiga ayaa u muuqdo wax si sahlan wax looga qaban karo laakiin xaqiiqdu sidaas maahan. Waa wax layaab leh tirada dhallinyarada aanan lahayn aqoonta iyo akhlaaqda shukaansiga.

Si kastaba ha noqotee, waxaan rajeynayaa markaad akhriso qormadaan inaad ka fiicnaan doonto sidii aad ahaan jirtay.

1. Isku day inaadan taleefankaaga fiirin inkabadan gabadha inta lagu guda jiro haasaawaha. Waa ixtiraam darro inaad taas sameyso waxayna abuureysa aragti ah inaadan daacad ahayn.

2. Iska ilaali inaad ka hadasho arimo dhaqaale iyo haddii aad ka dhalatay qoys ladan; tani waxay keeni kartaa in gabadhu kuu aragto qof kaftamaya iyo inay kaa dhaqaaqdo.

3. Iska ilaali inaad soo shiirto. Si wanaagsan usoo qubeyso, soo cadeyso hana hilmaamin inaad barafuun ama cadar aad soo isticmaasho.

4. Waa sharaf iyo ixtiraam darro inaad haweeney weydiiso haddii ay tahay Bikro.

5. Ha weydiin inta nin ee ay soo martay ama xiriir ay lasoo yeelatay.

6. Waqti hore u sheeg haddii ay iyadu bixineyso cashada, ha jahwareerin daqiiqadda ugu dambeysa gaar ahaan xilli ay isku kaa haleysay.

7. Haku adkeysanin inay gurigaaga ama goobtaada kuugu timaado kulanka ugu horeeya – Waxaad u muuqaneysa qof dan kale leh ama jirkeeda u baahan.

8. Waa wax aanan habooneyn inaad ka tagto gabadha aad shukaansaneysid si aad ula hadasho gabar kale wax kabadan hal daqiiqo.

9. Isku day inaadan ku qancin ama aadan kusoo jiidan hadiyado.

10. Iska ilaali inaad la barbar dhigto qoftaadi hore. Waxay u badantahay inaysan lamid ahayn.

11. Si qaldan ha uga hadlin meel kamid ah jirkeeda. Bini aadamku waa qalad badanyahay.

12. Isku day inaan la maqlin dhawaqa afkaaga intaad wax cuneyso. Ha hadlin inta ay cunto afka kuugu jirto, hana isku dayin inaad qabato ama sameyso waxaadan ku fiicneyn.

13. Ha iksu dayin inaad noqoto qof aadan ahayn. Iska ilaali inaad amaahato gaari ama guri qof uu leeyahay si aad uga dhigto inaad adiga leedahay. Haweenku waa kuwo ogaan kara beenta.

14. Iska ilaali inaad taabasho la aado kulanka ugu horeeya.

15. Ha xushmad dareynin Kabal Yeeriga si aad u cajab galisid iyada. Qofna ma jeclo kibirka.

16. Ha weydiinin lacag.

17. Ha weydiisan sawirro inay iyada kuusoo bandhigto mooyee.

Related Articles

Back to top button