Qaar Kamida Waxyaabaha Ragga U Keeni Kara Dhalmo La’aanta

0

Dhalmo la’aantu waa dhibaato guud oo heysa ragga iyo dumarka. Runtii waa dhibaato xitaa burburisa guurka maadaama caruurtu ay yihiin sababta ugu weyn ee guurka, laakiin taasi waa mowduuc kale oo aan ka hadli doono wakhti kale.

Waxaa la aaminsanyahay in dhalmo la’aanta inta badan ay sababi karto qaab nololeedka iyo waxyaabo kale oo adiguba aad wax ka qaban karto.

Stress-ka

Waxyaalaha keeni kara dhalmo la’aanta ragga waa stress-ka. Tani waxay ku xidhan tahay arrimo hab-nololeedka ah sida cayilka, cuntada, sigaarka iyo waxyaabo kale.
Qaadashada waxyaabaha laga helo maadooyinkaan sida, fitamiin E, fitamiin C, folic acid iwm, ayaa la sheegay inay kordhiyaan dhalmada.

Cunto aan caafimaad qabin

Cuntadu waa inay noqotaa mid dhamaystiran. Cunto caafimaad leh ayaa kaa caawin doonta ilaalinta caafimaadka shahwada halka cunto xumaduna ay hoos kuusii dhigi karto.

Waxaa habboon in qofku uu cuno cuntooyinka dammaanad qaadaya caafimaadka guud ee jidhka.

Jimicsi xad dhaaf ah

Jimicsigu jidhka ayuu u roon yahay laakiin waxa uu noqdaa mid xad-dhaaf ah marka lagu daro daawooyinka jidhka lagu dhiso, taas oo hoos u dhigi karta wax-soo-saarka testosterone oo hoos u dhigaya tirada shahwada.

Galmo badan

Galmada badan waxay hoos u dhigi kartaa tayada unugyada shahwada. Waxaa lagula talinayaa in lammaanaha doonaya inay uur qaadaan inay xaddidaan galmada labadii ama saddexdii maalmoodba mar.

Kuleylka

Kulaylka ka yimaada laptop-yada, xidhashada surwaal adag iyo waxyaabo kale oo kordhin kara heerkulka agagaarka xiniinyaha waxay sababi karaan tirada shahwada inay yaraato.

Caabuqa aan la daaweyn

Marka cudurada lagu kala qaado galmada aan lagu daweyn waqtigii loogu talagalay, waxay keeni karaan dhalmo la’aan. Infakshinada ku dhaca xubinta taranka ayaa wax u dhimi karaan dhalmada waxayna xitaa sababi karaan dhalmo la’aan.

Sunta cayayaanka iyo kiimikooyin kale

Waxaa la ogaaday sunta cayayaanka iyo kiimikooyinka kale ee waxyeelada leh ay saameyn ku yeelan karaan tayada iyo tirada shahwada. Ragga ayaa lagula talinayaa inay ka fogaadaan suntaas iyo wixii lamida iyadoo sidoo kale la sheegay inay wanaagsantahay in marka meel la dhigo furka lagu daboolo.

Sidaa darteed, shaqaalaha beeraha iyo kuwa kale ee guryaha ka buufiya cayayaanka ayaa u baahan inay ka digtoonaadaan arrintan. Qaar ka mid ah kiimikooyinka kale sida rinjiga, koolada iyo wixii lamida ayaa sidoo kale la ogaaday inay laba jibaaraan halista dhibaatooyinka bacriminta.

Ragga ka shaqeeya kiimikooyinka waxaa lagula talinayaa inay xidhaan qalabka ilaalinta ku habboon si ay u yareeyaan in kiimikooyinku soo-gaadhaan intii suurtogal ah.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.