XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Arrimood Oo Aad U Fudud Oo Kuu Sahli Kara In Guurkaagu Guuleysto

Qof kasta wuxuu leeyahay cilado iyo caadooyin aanan wanaagsaneyn kuwaas oo saameyn ku yeelan kara guurkiisa ama keeni kara in lamaanihiisa ay isnacaan.

Ciladaha qaarkood ayaa ah kuwo ay sahlantahay in la iska joojiyo si aysan u saameyn nolosha qofka iyo guurkiisa maadaama ay noqon karaan kuwo uu dhibsado qofka lamaanahaaga ah ugu dambeyna uu kaaga tagi karo ciladahaas dartood.

Si aad guurkaaga uga dhigto mid guuleysta, qaado talooyinkaan.

Isbar inaad aqbasho dhaleeceynta

Dadka qaarkood way ka xumaadaan marka la dhaleeceeyo. Way kasii darantahay marka lamaanahaaga uu ku dhaleeceeyo.

Si,kastaba, Lamaanaha waa inay isbaraan inay aqbalaan dhaleeceynta maadaama ay kaa dhigeyso qof wanaagsan.

Mar kasta ku dadaal inaad qof wanaagsan noqoto adigoo ka shaqeynaya ciladahaaga.

Si weyn u qiimeey lamaanahaaga

Xiriir kasta wuxuu wajahaa ama la kulmaa caqabado sidaa darteed culeys kasta ama caqabad kasta oo timaada waa in mid kasta uusan iloobin qiimaha lamaanihiisa.

Mar kasta noqo qof ku mahdiya heysashada lamaanihiisa.

Qaado qaladaadkaaga

Ma jiro qofaan qalad galin, qof kasta waa mid qaladaad gala. Marka taas ay dhacdo waxaa lagaa rabaa inaad aqbasho oo dusha aad saarato qaladaadkaaga.

In qofka uu qaladkiisa qaato ayaa bedeli karta kana dhigi karta qof wanaagsan.

Related Articles

Back to top button