ARIMAHA BULSHADA

BUSHIMO MADOW: Talooyin Kaa Caawinaya Inaad Ka Takhalusto

Qof kasta wuxuu rabaa bushimo qurxan, nuuraa oo casaan ah, laakiin qof kastaa ma haysto kuwaas – dadka qaar waxay leeyihiin bushimo madoow muuqaal ahaan, iyagoona doonaya inay beddelaan taas.

Bushimaha madow waxaa sababa cadceedda oo aad u kulul, sigaarka iyo fuuqbaxa. Waxayna marmarka qaarkood ku yimaaddaan sida baro madow oo bushimahaaga kasoo baxa.

Haddii aad xiisaynayso inaad ka takhalusto madowga bushimaha kaaga yaalo, kaliya isticmaal talooyinka soo socda, waxaadna arki doontaa natiijooyinka ugu fiican.

Sonkorta

Maqaarka qallalan ee dhintay wuxuu ka dhigi karaa bushimahaaga kuwo aanan qurxooneyn oo midab madow ah.

Waxaa iraan daawooyin lamariyo bushimaha oo kaa caawin kara inaad si tartiib ah qolofta madoow ee ah maqaarka dhintay aad ka saarto faruuryahaaga. Waxaad isticmaali kartaa sonkor si aad u samayso xoqid waxtar leh. Xoogaa sonkor ah ku qaad farahaaga, ku dar biyo (haddii aad rabto), oo ku xoq bushimahaaga.

Malabka

Malabka ma aha oo kaliya dhadhan fiican; waxa kale oo loo isticmaali karaa in looga takhaluso bushimaha madow sababtoo ah wuxuu awood u leeyahay inuu qooyo dusha sare ee bushimaha. Laakiin taasi xitaa maahan, malabku sidoo kale wuxuu leeyahay bogsiin.

Wuxuu gacan ka geystaa bogsiinta nabarrada wuxuuna kor u qaadaa inay bogsadaan gubashada ay keento qorraxda. Marka, haddii aad leedahay meelo ay cadceeddu dhaawacday ama dildilaacisay ama bushimuhu ay ku jeexeexmeen, malabku wuu ku caawin karaa.

Khajaarka

Waxay u badan tahay inaad aragtay haweenka quruxda badan oo khajaarka marianaya wajiyadooda; sidoo kale wuxuu ka shaqeeyaa bushimaha. kala jar/ isku shiid ama isku burburi qajaar si aad u hesho dhacaanka oo mari dhacaanka bushimaha oo dhan maalin kasta.

Farqigu wuxuu noqon doonaa mid cad kadib dhowr toddobaad oo isticmaalka maalinlaha ah.

Rooseetooyinka casaanka ah

Run ahaantii, haddii aad jeceshahay bushimaha casaanka ah oo aad rabto inaad ka takhalusto bushimaha madow, waxaad maalgashan kartaa kareemyada bushimaha casaanka ka dhiga.

Waad ogtahay kareemyadani waxay leeyihiin walxo kiimiko ah. Marka ka taxaddar markaad bushimahaaga marinayso.

Saliid Saytuun

Waxaa laga yaabaa inaad wax ka ogtahay faa’iidooyinka saliidda saytuunka ay u leedahay caafimaadkaaga, maqaarkaaga, iyo timahaaga, laakiin ma ogtahay inay sidoo kale ku siin karto faruuryo casaan ah, soo jiidasho leh oo qoyan?

Diyaarso iskaraab dabiici ah adiga oo isku daraya nus qaado oo sonkor ah iyo dhowr dhibcood oo saliid saytuun ah. Si tartiib ah bushimahaaga ugu xoq isku dhafkaan hal mar sameey asbuucii si aad u heso natiijooyinka ugu wanaagsan.

Related Articles

Back to top button