ARIMAHA BULSHADACAAFIMAADKA

Faa’iidooyinka Miraha Qaraha Ay U Leeyihiin Dadka Qaba Dhiig Karka

Qaraha wuxuu leeyahay dhadhan wanaagsan, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah miraha ugu fiican uguna macaanka badan. Marka laga soo tago dhadhankiisa lagu raaxaysto, midhahani waxa uu bixiyaa faa’iidooyin kala duwan. Caadi ahaan miraha qaraha waala tuuraa balse hadda ayaa la oqaaday sifooyin caafimaad oo gaar ah oo ay leeyihiin, kuwaas oo laga yaabo inay faa’iido u leeyihiin, gaar ahaan dadka qaba dhiig karka.

Sida lagu sheegay maqaal ka soo baxay Healthline, waxaanu sahamin doonaa saamaynta ay miraha qaraha ku yeelan karaan shakhsiyaadka la tacaalaya dhiig-karka.

Cilmi baaris ayaa daaha ka qaaday in miraha qaraha ay qani ku yihiin magnesium, macdanta loo yaqaano in ay kor u qaaddo caafimaadka wadnaha iyo nidaaminta cadaadiska dhiigga. Sidee tani u shaqeysaa? Marka la isticmaalo, miraha waxay leeyihiin saameyn dhanka jirka ah, ballaarinta xididdada dhiigga waxayna u dhaqmaan sida wakiilka anti- inflammatory iyo vasodilator labadaba. Habkani waxa uu gacan ka geystaa socodka dhiiga oo fudud islamarkaana dabacsan.

Iyadoo la fududeynayo wareegga dhiigga ee jirka oo dhan oo dabacsan oo aan xannibnayn, khatarta dhiig-karka ayaa si weyn loo dhimay. Haddii ay dhacdo inaad leedahay cadaadis dhiig oo sarreeya, ku darista miraha qaraha ee cuntadaada ama inaad qaraha laftiisa caadi u cunto ama cuntada ku cunto waxay ku siin kartaa gargaar waxayna kaa caawin kartaa ka hortagga waxyeelada xun ee la xiriirta xaaladdan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid