3 Ammaan oo nin kasta uu ka rabo xaaskiisa… Ka dhig guurkaaga mid guuleysta

Ragga ma u baahanyihiin ammaan? Taasi waxay noqon kartaa su’aal ay haweenka badankood isweydiiyaan.

Seygaaga waa halyeey waa qof dadaal badan oo aabaha dhalay caruurta, wuuse u baahanyahay ammaan iyo dhiiri gelin.

Hoos ka aqriso qaar kamid ah amaanta uu seygaaga uga baahanyahay xaaskiisa.

  1. Ha ogaado in waqtigaa la qaadatay uu yahay kan kuugu wnaaagsan

Nin kasta wuxuu u baahanyahay inuu ogaado in waqtiga uu xaaskiisa la qaato uu qiimo ugu fadhiyo gacalisadiisa.

Waa qasab inuu waqti uga sameeyaa jadwalkiisa mashquulka badan waqti yar uu gacalisadiisa la qaato si guurka u guuleysto balse waxaa taas kasii wanaagsan in gacalisadiisa ay qiimeyso waqtigaas uu iyada u huray.

Sidaa darted, waxaa xaas waliba laga doonayaa inay dareensiiso in waqtiga uu seygeeda la qaatay uu yahay mid cajiib ah.

  1. Tusi sida aad ugu faraxsantahay inuu seygaaga noqday

Ma jiraan wax nin ka farxiya oo aanan ahayn ereyadaan. Nin kasta wuu jecelyahay marka ay xaaskiisa ku faraxsantahay inuu seygeeda noqdo.

Goorma ayuu ahaa waqtigii ugu dambeeyay ee aad seygaaga u sheegtay inaad ku faraxsantahay inuu ninkaaga noqday?

  1. Ogeysii inuu yahay aabaha ugu wnaaagsan

Seygaaga wuxuu rabaa inuu ogaado inaad qiimeyso dadaalkiisa uu ku noqday aabaha wanaagsan. Seey kasta oo wanaagsan wuxuu rabaa inuu noqdo aabaha ugu wanaagsan adduunka, seygaagana wuu jeclaan lahaa taas marka uu ogaado inaad ku qiimeyso dadaalkiisa uu ku noqday aabe wanaagsan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button