3 Arimood Oo Sababa In Jaceylka Guurku Uu Baaba’o

Jaceylku waa u muhiim guur kasta maadaama guur aanan jaceyl ku dhisneyn ay adagtahay inuu dhisnaado.

Guurar badan ayaa maalin waliba burburo iyadoo burburkaas ay sababaan waxyaabahaan hoos ku xusan.

1. Jaceylku wuxuu u baaba’aa kalsooni kalsooni darro aawgeed

Waxaa loo baahanyahay is aaminid si uu u shaqeeyo jaceylka labada lamaane. Aamin darada ayaa run ahaantii baabi’ineysa jaceylkii ay labada qofood isku qabeen aamin darada ineysan imaanin.

Sidaa darteed, Jaceylka guur badan ayaa burbura waxaana sabab u ah kalsooni la’aanta.

Si jaceylka guurkaaga uusan u baabi’in, waa inaad iska ilaalisaan waxyaabaha keenaya kalsooni darada.

2. Jaceylku wuxuu u baaba’aa cabsi darteed

Marka haweeney ay nin hesho, waxaa jirta fikrad guud oo ah waxa ku dhici doona hadii arimuhu u shaqeey waayaan sidii la rabay. Cabsidaas ayaa kamid ah waxyaabaha keena in jaceylka guurka uu baaba’o.

Qofka waa inuusan ogolaan in cabsi ay wado isla markaana uu diyaar u noqdaa inuu ku raaxeysto nolosha iyo jaceylka guurka.

3. Jaceylku wuu baaba’aa maadaama aanan lagu dhisin aasaas adag

Aasaaska halkaad ku dhisto jaceylkaaga ayaa muhiim ah. Hadii qofka jaceylkiisa uusan kusoo dhisin aasaas adag, waxay u badantahay in jaceylkaas uusan jiri doonin muddo dheer.

Wax walba oo fudeed lagu dhiso way burburaan halka wax walbo oo si adag lagu dhiso ay adagtahay inay si fudud ku burburaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button