3 Arrimood Oo Yaab Leh Oo Ku Jira Inaad Gacmaha Is-qabsataan Lamaanahaaga

Waa wax caadi ah in lala kulmo lammaane gacmaha isku heysta jidadka. In kasta oo dadka qaar u malayn karaan inaysan munaasib ahayn in sidaa la yeelo, in gacanta la qabsado lamaanahaaga ayaa leh faa’iidooyin badan.

Labada lamaane waa inay gacmaha is qabsadaan had iyo jeer maxaa yeelay waxaa jira waxyaabo badan oo lagu gaaro ficilkan fudud.

Waa kuwan qaar ka mid ah sababaha ee labada qof ee lamaanaha ah ay gacmaha isku qabsanayaan.

  1. Micnaheeda waa ‘waanku jeclahay oo aanan hadal ahayn’

Markaad la kulanto lamaane gacmaha isheysta uma baahnid in laguu sheego in lamaanahaasi ay isjecelyihiin.

Gacmo isqabsashada waa qaab fudud oo lamaanahaaga lagu tuso inaad jeceshahay oo aad daneyneyso.

  1. Micneheeda waa ‘kaligaa ma tihid’

Marka lamaane uu qabsado gacmahaaga, tani waxay tilmaameysaa inaadan kaligaa ahayn maadamaa uu isaga/iyada uu ku garab taaganyahay. Mar kasta oo lamaanahaagu ku jiro xaalad adag inaad gacmaha ka qabato ayaa ah qaab la hubo oo aad ugu xaqiijineyso inaad garab taagantahay.

Dhaqdhaqaaqan ayaa ah farriin cad oo aad ugu xaqiijineyso lamaanahaaga inaad garab u tahay oo aanan erey u baahneyn.

  1. Waa farriin dadka kale tuseysa inaad ku faraxsantahay kuna faaneyso lamaanahaaga

Waxaa jiraan tiro lamaaaneyaal ah oo si qarsoodi ah shukaansi u gala sababtuna waxay tahay inaysan ku faraxsaneyn lamaanayaashooda.

Gacmo isqabsashada gaar ahaan markii banaanka la joogo ayaa ah qaab aad dadka kale ku tuseyso inaad ku faraxsantahay kuna faaneyso lamaanahaaga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button