Haweenka Oo Raggooda Ka Raba Inay Buuxiyaan Baahiyahan Jaceyl Ee Ay Qabaan

Waa waajib saaran ninka ragga ah inuu kasoo baxo baahiyaha xaaskiisa.

Ragga qaarkood way iska indha tiraan inay waajibaadkaas kasoo baxaan taasoo ugu dambeyn keenta inay ku waayaan haween ay aad u jeclaayeen.

Marnaba ha iska indha tirin baahiyaha haweeneyda haddii aad rabto guur farxad leh oo aad ku raaxeysato.

Waa kuwaan 3 baahiyo jacayl ah oo haweentu ay u baahantahay in loo muujiyo.

1. Taageero dhab ah

Haweeneyda waxay u baahantahay nin mar kasta garab istaaga. Ninka wanaagsan waa kan ilaaliya haweeneydiisa waqti kasta.

Hubi inaad daryeesho nafta haweeneydaada. Seeyga wanaagsan waa kan u duceeya xaaskiisa isla markaana siiya waqti ay wax ku qabsato.

2. Kalsooni

Haweenka waxay u baahanyihiin inay dareemaan kalsooni mar kasta oo ay raggooda la joogaan.

Mid kamid ah hababka lagu hubiyo in xaaskaaga ay kalsooni kugu qabto waa inaadan qiyaanin.

Ninka qiyaanoolaha ah waa qodax mudda jirka haweeneyda. Ma jirto haweeney rabta inay la haasaawdi nin noocaas ah.

3. Waqti la qaadasho/Raaxo

Haweenka waxay dareemaan kalgacayl marka ay raggooda ka helaan taabsho naxariis iyo kalgacayl leh.

La qaado lamaantaada waqti yar oo raaxo leh sababtoo ah way kuu baahantahay waana waqti farxad u leh micno weyn ugu fadhiya.

Ha iska indha tirin dareenkeeda haddii aad rabtid in xiriirkaada uu noqdo mid farxad leh oo guuleysta.

Taabashada waxay kamid tahay tiirarka awoodda leh ee lagu ilaaliyo awoodda iyo farxadda guurka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Back to top button