3 Calaamadood Oo Ay Leedahay Haweeneyda Aan Waligeed Joojin Doonin Jacaylka Ay Kuu Qabto

Marka haweeney ay la kulanto nin ay si dhab ah u jeceshahay, waxay sameyneysaa wax kasta si ay u ilaashato intay awooddo.

Haweney si dhab ah kuu jecel isla markaana daacad ah waxay leedahay siffooyin kala duwan oo dad badan ay si dhab ah u garaneyn.

  1. Muddo dheer ayay kula joogtay

Haddii aad isla joogteen muddo dheer isla markaana ay wali ku faraxsantahay inay ku heysato, way iska cadahay inaysan melena kaa aadeyn.

Marka haweeneyda ay ninka jeceshahay marnaba ma dooneyso inay ka tagto am uu ka tago. Sababtaas darteed haddii aad muddo sanado ah wada joogteen, waxay ka dhigantahay inaysan marnaba joojin doonin jacaylka ay kuu qabto intaad si wanaagsan ula dhaqmeyso.

  1. Waa daacad

Waxaan joognaa waqti ay runta ku yartahay guurka. Ragga iyo haweenkaba been ayay isku sheegaan.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo taas ay jirto haddii haweeneyda ay heysato aysan been kuu sheegin ama aysan dadka kale u sheegin, waa gabar aanan marnaba kaa dhaqaaqeen ama kaa taageen.

Haweeneyda aanan marnaba joojineyn jacaylka ay kuu qabto wax kasta sida ay yihiin ayay kuugu sheegi doontaa, haddii aadan wax wanaagsan sameyneyn way ku sexeysaa.

  1. Way isdejisaa intaad murmeysaan adigana way ku dajisaa

Muranka waa wax ka dhex dhaca guur kasta. Si kastaba, sida labadiina lamaane aad u xakameysaan muranka ayaa muhiim ah inbadan.

Haddii ay taqaano sida la isku dajiyo inta muranku socdo isla markaana ay taqaan sida laguu dajiyo, waa inaad ogaataa inay ka go’antahay ilaalinta guurka sababtoo ah adigay ku qiimeysaa.

Waxay ogtahay muhiimadda ay leedahay in arrimaha si nabad ah lagu xaliyo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button