3 Cunto oo kuu wanaagsan haddii aad ka weyntahay 50 sano

Kadib da’da 50 sano jirka, fursadaha aad ugu ekaan karto qof dhallinyaro ah aad ayay u yartahay.

U ekaanshaha qof yar waa waxa qof kasta oo da’ ah uu rajeyn lahaa xittaa inkastoo mararka qaar ay adagtahay.

Si,kastaba, waxaa jiraan cunnooyin kala duwan oo dadka 50 sano jirada ah iyo kabadan ay cuni karaan si jirkooda ay uga dhigaan mid u muuqda qof dhallinyar.

Cuntooyinkaan waxaa ku jiraan nafaqooyin kahortaga da’da.

  1. Karootada

Karootada aad ayay muhiim u tahay marka ay noqoto dhanka aragga indhaha, guud ahaan caafimaadka iyo cadaadiska dhiigga.

Dadka jira 50 sano iyo kabadan waa inay cunaan Karooto badan madaama ay ku jiraan nafaqooyinka sida  potassium, fitamiino, iyo fiber.

Da’daan, dadka waa kuwo u nugul cudurrada dhiig karka, kuwa aragga ku dhaca iyo jirka oo da’da ka muuqato ama isbedela.

Si,kastaba, Karootada waxay gacan ka geysataa kahortagga dhibaatooyinkaas.

  1. Beetroot

Beetroot waxaa loo qaadan karaa cabitaan ahaan ama cunto ahaan isagoo la kariyay, waxaa ku jiraan nafaqooyinka kala calcium, potassium, iyo manganese oo faa’ido weyn leh marka ay noqoto yareynta cadaadiska dhiigga.

  1. Tufaaxa

Dadka da’dooda ay kor u dhaaftay 50 sano waa in tufaaxa u had iyo jeer qeyb ka noqdaa raashinkooda. Sababta ayaa ah wuxuu xakameeyaa sonkorta dhiigga, kolestaroolka, iyo cadaadiska dhiigga.

Sidaa darteed waa ilo fitamiin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button