3 Sababood Oo Wiilka Saaxiibkaa Ah U Joojiyay Xiriirkii Aad Lahaydeen

Marar badan waxaa dhacda xaalad ah in wiilkaa aad xiriirka lahaydeen uu si lama filaan ah isku bedelo.

Sababo badan ayaa taasi keena, haddii ay adiga kugu dhacday ama aad leedahay saaxiibo ay xaaladdan ku dhacday, waa kuwaan dhowr sababood oo keeni karaan sababta wiilka aad saaxiibka la ahayd u go’aansaday in xiriirka uu joojiyo.

  1. Waxaad wali saaxiib la tahay ninkaad horey u kala tagteen

Ninka intabadan ma jeclo tartan, gaar ahaan marka ay noqoto haweenkooda. Sababtaas darteed ayuu u joojin karaa ama u joojiyay xiriirkii idinka dhexeeyay.

Haddii aad wali saaxiib la tahay nin uu horey xiriir idinkaga dhexeeyay waxaa wanaagsan inaad iska joojiso haddii aad mar xiriir cusub la yeelatay nin kale.

  1. Isaga iyo saaxiibadaa iskuma fiicno

Xiriir caafimaad qab ah waa kan labada lamaane ay isku wanaagsanyihiin saaxiibadood. Si kastaba, haddii ay dhacdo in wiilka xiriirka la leedahay uusan ku qanacsaneyn saaxiibadaa waxay taasi ku ridi kartaa walwal.

Sababtaas darteed, ninkaaga ama wiilka aad saaxiibka tihiin wuxuu joojin karaa xiriirka maadaama uu dareemayo in saaxiibadaa aysan ku habbooneyn isaga.

  1. Mudnaan la’aan

Sabab kale oo wanaagsan oo la xiriirta sababta wiilka aad saaxiibka tihiin uu u burburiyay xiriirkiina ayaa ah inaadan siinin mudnaantii uu lahaa.

Waxay taasi intabadan dhacdaa marka wiilka uu dareemo in gabadha uu xiriirka la leeyahay aysan muhiimad siinin isla markaana ay ka hormariso waxyaabo kale.

Facebook Comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here