3 Sifood Oo Ay Leedahay Haweeneyda Kartida Leh

Gabar kasta waxay rabtaa inay noqoto karti leh iyadoo raggana ay rabaan inay guursadaan haween howlkar ah oo karti leh. Noqoshada qof dumar ah oo xoog ku dhex leh bulshada waa wax qaali ah.

Safarka lagu noqdo sidoo kale ma ahan mid sahlan. Qofka wuxuu u baahanyahay dadaal xoogan si uu u gaaro marxaladdaas.

Si kastaba, ma ogtahay inay jiraan sifooyin ay leeyihiin haweenka howlkarka ah oo ragga badankood aysan xamili Karin? Hagaag, waa kuwaan qaar kamid ah sifooyinkaas.

  1. Way ogtahay waxay rabto

Haweeneyda howlkarka ah, mar kasta way ogtahay waxay uga baahantahay nolosha. Waligeed cidna kuma haleyso farxaddeeda iyo ka guul gaaridda hadafkeeda.

Sifadaan waa mid ka nixisa raggoo dhan sababtoo ah haweeneyda howlkarka ah si fudud ayay horey ugu socon kartaa haddii xiriirku ama guurka uusan shaqeyn.

  1. Been ma ogola

Haweeneyda howlkarka ah waxay qiimeysaa daacadnimada. Haweeneyda adag si sahlan ayay ku sheegi kartaa ama ku garan kartaa haddii aad sameyneyso ballamo been ah si aad usoo jiidato.

Uma dulqaadato nin mar kasta been u sheega. Arrintaan ayaa ah mid aanan si wanaagsan ugu shaqeyn ragga jecel beenta.

  1. Waxay ku tusin doontaa qofka aad tahay iyo waxa aad noqon karto

Haweenka howlkarka ah waqti ayay geliyaan ragga ay la haasaawayaan si ay u baaraan cidda ay runtii dadkaasi yihiin. Waxay kugu riixi doonaan inaad waxa markaas aad qabaneyso si wanaagsan aad u qabato ama aad ka guul gaarto iyo inaad qof wanaagsan noqoto.

Haweeneyda noocaas ah waxaa qaban kara nin adag oo howlkar ah kaliya ee nin kasta ma qaban karo mana u babac dhigi karo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button