3 Siyaabood Oo Jacayl Loogu Muujiyo Lamaanahaaga Adigoo Aanan Lacag Isticmaalin

Qofka uma baahna inuu hodan ahaado si uu u cajab geliyo qofka uu xiriirka la leeyahay. Waxaa jiraan waxyaabo aad u sameyn karto lamaanahaaga oo uusan kaaga baxeyn hal senti.

Halkaan ka akhriso 3 siyaabood oo jacayl lagu muujiyo adigoo aanan lacag bixin.

  1. Hagaajinta alaabta gurga iyadoo aanan lagu weydiisan

Ragga qaar ayaa u heysta hagaajinta alaabta guriga inay tahay wax u gaar ah haweenka kaliya inay sameeyaan.

Arrinta sidaas ma aha ee ragga ayaa haweenka ka caawin kara hagaajinta alaabta guriga iyadoo xittaa aanan la weydiisan. Hagaajinta laabta guriga waa qaab lamaanahaaga lagu tuso jacaylka aad u qabto.

  1. Maalin waliba dheh “mahadsanid”

Lamaanayaasha waa kuwo isku muujin kara jacaylka uu mid waliba kan kale u qabo iyagoo isku mahadcelinaya maalin kasta.

U mahadnaqidda qof lacag maahan balse waa muhiim. U mahad celinta lamaanahaaga maalin waliba waxay tuseysaa sida aad ugu faraxsantahay isla markaana aad ugu qanacsantahay inaad qofkaas nolosha ku heshay.

  1. Qoraallo jacayl u reeb

Waxa kale oo lammaanuhu isku qaban karaan iyagoon waqti isku bixin ama aanan lacag isis siinin ayaa ah inay isku reebaan qoraallo jacayl.

Inaad lamaanahaaga guriga ugu reebto qoraal yar oo jacayl ah ayaanan ahayn mid macaan kaliya balse waa arrin sidoo kale muujineysa jacayl.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button