3 Waxyaabood Oo Ay Tahay Inaadan Ka Filan Guurka (AKHRI)

Noloshu waxay noqotaa mid adag markaan yeelano himilooyin badan. Maadaama ay wanaagsantahay inaad filato waxyaabo wanaagsan hadana aaminsanaanta in himilooyinkeena oo dhan had iyo jeer la buuxin doono waxay horseed u noqotaa niyad jab.

  1. Is-waafaqsanaan

Dadkoo dhan waxay ku hammiyaan inay nolol buuxda kula noolaadaan laamanayaashooda. Nasiibdarro taasi marnaba ma dhacdo maadaama ay jiraan waqtiyo ay iskhilaafaan.

Ma jiraan laba ruux oo bini aadam ah oo wax kasta isku si u arko. Waa inaadan marnaba filan inaad ku noolaato nolol aan caqabado lahayn sababtoo ah xittaa xiriirada iyo guurarka ugu wanaagsan waxay wajahaan dhibaatooyin kala duwan.

Waxa dhan ee aad u baahantahay ayaa ah inaad isku diyaariso inaad wajahdo caqabadahaas.

  1. Buuxinta baahi kasta

Ma ahan in wax kasta oo aad u baahantahay ama aad dalbaneyso lagu siiyo. Ma jiro bini aadam buuxin kara baahi kasta oo ay suurtagal tahay inaad qabto mar kasta.

Mararka qaarkood waa inaad adiga buuxisaa baahiyahaaga ama aad ogolaataa inaan la buuxi Karin.

  1. In lamaanahaagu masuul ka noqdo farxaddaada

Farxaddaada adiga ayay kugu xirantahay. Lamaanahaaga wuxuu masuul ka yahay farxaddiisa ama farxaddeeda.

Waa inaad fahamtaa in lamaanahaagu uu had iyo jeer rabo inuu kaa farxiyo balse haka filan inuu mar kasta kaa farxiyo sababtoo ah ma dhacayso taas.

Waad ku mahadsantahay akhrinta maqaalkeyga! Waxad qayb libaax ka qaadatay guushayda qoraa ahaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button