4 Calaamadood oo lagu garto marka guurkaagu uu halis ku jiro

Marka guurkaagu uu halis halis ku jiro, waxaa jira calaamado lagu garto in xiriirkaas uu dhibaato ku suganyahay loona baahanyahay in tallaabo la qaado inta aysan dhibaatadu faraha ka bixin.

4 Arrimood oo raggu sameeyaan oo burburiya guurkooda

Waxaan idiin soo gudbineynaa 4 caalaamadood oo lagu garto marka guurkaagu uu halis ku jiro.

  1. Muran joogto ah

Marka adiga iyo lamaantaada uu idinka dhexeeyo muranka isla markaana aad ku murantaan waxyaabo yar yar taasi micnaheeda wuxuu yahay in isfahamka idinka dhexeeyo uu aad u yaryahay

Muran iyo dagaal joogto ah markuu jiro ma ahan inaad wax walba ka yeesho. Si xiriir kasta uu guuleysto isfahamka waa laga maarmaan.

Marka uu xiriirkiina hooy u noqdo muran joogto ah waxaa hubaal ah in guurkaas uu dhibaato ku jiro.

  1. Xiriirka oo yaraada

Marka uu xiriirka xaaladdan ku suganyahay, waxaa astaan kale u ah xiriirka oo yaraada. Si xiriirka uu ushaqeeyo, wiciitaanka taleefanka iyo qaababka kale ee loo xiriiro waa laga maarmaan.

Xiriirka oo yaraada micniihisa waxa uu yahay in labadiina aadan israbin taasoo caafimaad darro kale oo xiriirka kusoo wajahan taasoo ugu dambeyn keeneysa burbur iyo in lamaanuhu kala tagaan.

  1. Mid kamid ah labada lamaane oo dareema in la qiyaanay

Marka uu qof ama xitaa labada ruux ee xiriirku ka dhexeeyo bilaabo dareenka ah in la qiyaanay dabadeed waa calaamad muujineysaa in guurkaas uu ku suganyahay xaalad halis ah.

Markaad dareento in lagu qiyaanay waxay keeneysa qanacsanaan la’aan sababeysa cabasho iyo in muran iyo furiin uu yimaado.

Marka labada lamaane aysan isku qanacsaneyn , waa calaamad weyn oo muujineysa in xiriirka uu gabalkiisa sii dhacayo.

  1. Labada lamaane oo aanan ismaqlin

Waa caadi in lamaanaha uu had iyo jeer midba kan kale uu dhageysto; Waa mid ka mid ah qodobada xooggan ee xiriirka. Ka hor intaadan go’aan qaadan ama arin aadan sameyn, lamaankaagu waa inuu ogsoonaadaa ama aad ku wargelisaa, marka uu isaga/iyada ay u baahantahay inay wax kuu sheegto ama uu kuu sheego waa inaad diyaar u ahaataas sidoo kale.

Blasé marka uu midba kan kale dhageysan waayo, xiriirka waa mid sii galbanaya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button