4 Sabab Oo Kulanka Raaxada Xiliyada Roobku Uyahay Kan Ugu Cajiibsan

Maxay yihiin waxyaabaha macaan isla markaana gaarka ah ee ku jiro kulanka raaxada xilliga roobka?

Marka daruuruhu ay madoobaadaan dhibcaha roobkuna ay bilaabaan inay soo da’aan, dabeyshuna ay bilaawdo inay luxdo laamaha geedaha iyo saqafyada guryaha, runtii xittaa haddii aadan xaas ama nin lahayn waxaad u baahantahay dugaal iyo meel diiran oo aad qaboowga ka gasho.

Haweenka Oo Jecel In Sidaan Loo Sameeyo Kulanka Sariirta Kadib

Haddii aadan waligaa tixgelin kulanka sariirta xilliga roobka ama aad u aragto mid aanan qiimo lahayn, waa kuwaan 4 waxyaabood oo ku qancinaya.

1. Laab isgalin diiran iyo koolkoolin

Sida iska cad, jirka labada lamaane oo qaawan isla markaana midba kan kale uu taabanayo waa habka ugu wanaagsan ee looga hortago qaboowga.

Marka kulanka sariirta uu sidaas u kululyahay, yaa u baahan kuleeyliye, jaakad, funaanad ama buste si uu u helo kuleeyl?

2. Wuxuu hagaajiyaa guurka

Mararka qaarkood lamaanaha ayaa si aada ugu mashquula shaqooyin iyo waxyaabo kale kuwaasoo sababa in kulanka sariirta uu noqdo waxa ugu yar ee ay rabaan todobaadyada dhamaadkooda.

Laakiin marka uu roobku yimaado habeenadaas isagoo dabeylo wata iyo maalmahaas fasaxa ah, saacado badan oo roob roob ah oo aysan jirin waxaad qabaneyso isla markaana aad joogto guriga waa jawi macaan, goob wanaagsan iyo waqtiga ugu macaan xilligaas oo ay saqafka kore ee guriga kusoo daadanayaan biyaha roobka.

Sababtu waxay tahay xilli roobaadku wuxuu socdaa ugu yaraan laba bilood, waxaad heleysaa waqti kugu filan oo aad kusoo celin kartid farxadda adiga iyo lamaanahaaga.

3. Jacyl

Sida muuqata waxaa jirta arrin cajiiba oo ku jirta galitaanka kulanka sariirta xilliga uu roobku da’ayo, hillaaca iyo gugacu dhacayaan.

Xaqiiqdii kulanka sariirta marka uu roobku da’ayo ma ahan kaliya mid lagula dagaalamo qaboowga, waxa uu sidoo kale noqon karaa mid jaceyl leh.

4. Heer sare

Dhamaan kulamada raaxada inta lagu jiro xilli roobaadka waxay u muuqdaan inay leeyihiin saameyn gaar ah.

Sideetan iyo saddex boqolkiiba dadkii ka jawaabay Trojan’s Degrees of Pleasure, oo la sameeyay 2010-kii, waxay ku qiimeeyeen maalmaha iyo habeeno roobaadka kuwa ugu wanaagsan waqtiga raaxada.

Jawiga oo macaan oo adiga iyo lamaanahaaga aad wadaageysaan diirimaadka jirkiina adinkoo isku soo dhowaanaya laabta isgalinaya, dareenkiina wadaagaya isla markaana wadaagaya dhunkashooyin xiiso leh markaasoo roobkuna da’ayo dabeyshuna ay garaaceyso daaqada gurigiina… waa adiga iyo qofta aad ifka ugu jeceshahay oo kaliya, hadda maxaa ka dhiman taas?

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button