4 Talo Oo Kaa Caawinaya Inaad Si Caqli Iyo Taxadar Leh Aad U Doorato Xaas Wanaagsan

Xulashada xaas ma ahan wax fudud. Waa qorshe u baahan taxadar iyo feejignaan dheeri ah.

Micnaha xaas waa doorashada qofaad nolosha la wadaagto intaad nooshahay iyo hooyada caruurtaada.

Hoos ka akhriso talooyin kaa saacidaya inaad si taxadar iyo caqli leh u doorato xaas wanaagsan.

  1. Soo jiidasho

Soo jiidashada waa wax aadan dooneyn inaad ka weyso guurkaaga. Haweeneyda aad u dooreyso noloshaada waa inay kusoo jiidataa.

Waa inay kaa dhigtaa mid raboooda mar kasta oo aad indhaha ku qabato iyada. Hadii aysan kusoo jiidan ama aadan ka helin waxay u badantahay in guurkiina uusan muddo dheer jiri doonin.

  1. Qof ka shaqeysaa hormarinta nafteeda

Haweeneyda kartida leh waa inay noqotaa haweeney ka shaqeysaa sidii ay nafteeda u hagaajin lahayd.

Waa inaysan noqon mid gabi ahaanba kugu tiirsan nolosheeda adiga iyo waxay rabto.

Haweeneyda ku fiican inay xaas noqoto waa inay noqotaa mid ku filan inay nafteeda maareyso la’aantaa.

  1. Qof qiimeysa qoyska

Dabcan ma dooran kartid mana rabtid inaad guursato qof aanan qiimeyn qoyska. Hubi sida ay ula macaamisho qoyskeeda iyo kaaga.

Runta ayaa ah in haweeney aanan qiimeyn qoyskeeda ama qoyskaaga aysan noqoneyn mid ku filan inaad reer cusub la bilaawdo.

  1. Qof alle ka cabsato

Waa lama huraan in xaaska aad noloshaada u dooreyso ay noqoto mid alle ka cabsi leh. Sababtoo ah haddii aad rabto guur xoog leh oo wanaagsan waa inaad doorataa lamaane ilaahay (SWT) ka cabsaneyso.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button