4 Waxyaabood Oo Ay Tahay Inaad Iska Ilaaliso Kulanka Ugu Horeeya ee Haasaawaha

Is aragga ugu horeeya ayaa wax badan muhiim ah isla markaana go’aamin doona haddii uu jiro doono kulan labaad iyo haddii kale.

Hoos waxaad ka aqrisan kartaa qaar kamid ah waxyaabaha ay tahay inaadan sameyn kulanka ugu horeeya ee hasaawaha.

Ku casuumid saaxiibadaa

Kulanka ugu horeeya ee hasaawaha waa inuu u dhexeeya laba ruux. Inaad ku casuumto saaxiibadaa waxay kaa hor istaageysaa inaad xoogga saartid kulanka iyadoo sidoo kale muuqaal khalqadan ka bixi doonta naftaada.

Ka hadlid qof aad horey xiriir u lahaydeen

Kulanka ugu horeeya ee haasaawaha mar kasta waa waqti habboon oo aad isku baraneysaan labadiina haddii aad isku habboontihiin.

Inaad waqtigaas soo hadal qaado qofkaagi hore waa qalad haddii aysan ahayn lama huraan. Ka hadlidda qof aad horey xiriir ula lahayd inta lagu guda jiro kulanka haasaawaha waxay muujineysa inaadan wali qofkaas ka dhammaan isla markaana aadan diyaar u ahayn xiriir cusub.

Soo daahid

Ilaalinta waqtiga inta lagu guda jiro kulanka koowaad ee heesaawaha waxay muujineysaa inaad rabtid haasaawaha isla markaana aad daacad tahay.

Wax ka xun ma jiraan inaad qofkaad shukaansan lahayd aad sugto saacado. Mar kasta ilaali waqtiga si aad u hubiso inaad tahay ballan leh.

Nadaafad la’aan

Suuliga gal qubeyso oo si wanaagsan u labiso kahor intaadan aadin kulanka haasaawaha. Ma jiraan wax ka wanaagsan qof labisan oo carfaya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button