4 Waxyaabood Oo Ay Tahay Inaad Ogaato Kahor Intaadan La Haasaawin Haweeney 30 Jir Ah

La haasaawidda haweeney ku jirta da’da sodomeeyada lamid maahan sida haasaawidda gabar ku jirta da’da labaatameeyada.

Ma ahan inay weyntahay balse rabitaankeeda ayaa xoogaa ka duwan. Kahor intaadan shukaansan haweeney ku jirta da’da 30-ka, hoos ka eeg waxyaabaha ay tahay inaad ka walwasho.

  1. Way ogyihiin waxay rabaan

Way ogtahay waxay ka raadineyso xiriirka. Way ogtahay nooca uu yahay ninka ay nolosheeda u baahantahay sidaa darteed haddii ay ku dooratana waxaa tahay nooca ay rabto.

  1. Ciyaarta sariirta waa heer kale

Waxay leedahay xirfad iyo qibrad ay soo qaadatay sanadihii lasoo dhaafay. Marka laga soo tago taas, waxay ogyihiin waxay sariirta ku rabaan kamana cabsanayaan inay ku weydiistaan oo ay ku dhahaan qaabkaas iyo qaabkaas Ayaan rabaa ama sidaas Ayaan wax u rabaa.

Kalsooni darro kama qabaan jirkooda mana ka welwelayaan waxaad u maleyneyso xeerta caloosha ka saaran.

  1. Waa inaadan u qaadan inay quus taagantahay ama ay deg deg ugu baahantahay guur

Way ogtahay inuu waqti ku socdo umana baahna inaad xasuusiso taas. Haku deg deign inaad weydiiso fekerkeeda ku saabsan caruur dhalid iyo guursasho.

Waxaa intaas dheer, ha u qaadan inay aad ugu baahantahay lamaane ama ha ula dhaqmin sidii qashin adigoo umaleynaya inay wali kugu dhadhabi doonto ama kuu ooyn doonto.

  1. Way isku kalsoontahay

Uma baahna inaad ku dhiiri geliso inay qurxantahay. Waxaad oo dhan way ogtahay, Waxay kaloo baratay sidii ay ula qabsan lahayd cilladeheeda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button