4 Waxyaabood Oo Lamaanaha Isku Soo Dhoweyn Kara

Sidee iskugu dhowdihiin lamaanahaaga? Haddii aad ubaahantahay inaad isku soo dhowaataan lamaanahaaga, waxaad ubaahantahay inaad warbixintaan aqriso.

Hoos ka aqriso 4 waxyaabood oo lamaanaha isku soo dhoweeya.

1. Xushmad

Haddii aadan xushmeyn lamaanahaaga xiriirku ma noqonaya mid waara mana isku soo dhowaaneysiin adiga iyo lamaanahaaga.

Markaad xushmad kula dhaqanto lamaanahaaga, cilladaheeda kalama hadleeysid dad kale. xiriirkiina waa inuu noqdaa mid qaas ah oo aanan bannaanada looga hadlin.

2. Dhageysi

Sooma dhoweysan kartid lamaanahaaga haddii aad mar dhif ah dhageysato.

Inaad si dareen leh u dhageysatid lamaanahaaga waxay kaa caawineysaa inaad soo dhoweysatid. Inaad dhageysato lamaanahaaga kaama fogeyneyso waana inaad la socotaa.

3. Dabaal deg

Haddii aad rabto inaad lamaanahaaga isku soo dhowaataan waa inaad u dabaaldegtaa waxyaabaha farxadda u keena xiriirka sida, dhalashooyinka iyo maalmaha kale ee idinku weyn.
Udabaadegidda waqtiyada faraxdda leh sida dhalashooyinka oo kale iyo qalin jabinta way isku soo dhoweeyaan lamaanaha.

4. Waxyaabaha yar yar ee lamaanahaaga daneeyo

Inaad ahmiyad siiso waxyaabaha yar yar ee ay lamaanahaaa jeceshahay waxay kaa caawinayaan inaad soo dhoweysatid. Haddii ay yihiin waxyaabo muhiim u ah lamaanahaaga waa inaadan dhibsan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button