5 Calaamadood oo ku tusaya in gabadha aad xiriirka leedihiin ay tahay Xaaskaaga mustaqbalka

Marka ay guur noqoto, waxaa muhiim ah inaan sameyno go’aano saxan maadaana ay wax kasta halaabi karaan haddii aan guursano qofka markaas aanan nagu habooneyn.

Waxyaabahan waxay caawinayaan nin kasta oo doonaya inuu guursado qof ku haboon.

  1. Way kugu faantaa

Haddii ay kugu faanto marka ay la joogto saaxiibadeed iyo dadka kale, waxay u badantahay inay tahay haweeneyda aad u baahantahay inaad guursato.

Haddii ay aaminsantahay inaad tahay ninka ugu wanaagsan ee ay haweeney heli lahayd, dabadeed waa inay taas kaa caawisaa inaad go’aan qaadato.

  1. Dhib kuma qabto saaxiibadaa

Ninka saaxiibadiis waa qeyb muhiim ah oo kamid ah noloshiisa, nin kastana waxa uu rabaa haweeney fahamta in saaxiibadiis ay muhiim u yihiin.

Haddii aysan necbeyn saaxiibadaa oo ay sidoo kale jeceshahay inay waqti idinla qaadato adiga iyo saaxiibadaa dabadeed go’aan ka gaar.

  1. Aad ayaad ugu xiistaa marka aysan kula joogin

Marka ay kaa maqantahay, waa mid aad ka fekerto oo aad u xiisto.  Iyadana waa mid kaa fekerta oo qalbiga kugu heysa.

Marka aad dareento xaalad noocaan ah kadib go’aan qaado.

  1. Naftaa isku hurtaan

Haddii haweeneydaada aysan nafta kuu huri Karin oo adiga aadan u huri Karin, uma maleynaayo inay haboontahay inaad guursato.

Si guur kasta u shaqeeyo, naf hur waa inuu jiraa. Sidaa darted haddii ay nafta kuu hurto adigana sidoo kale aad u hurto , waa inaad guursataa.

  1. Waa qofka koowaad ee garabka kuu ah

Mar kasta waa mid ku garab taagan xaalad kasta oo aad ku jirto mana dhacdo inay cidlo kaaga tagto waqtiyada adag.

Way aaminsantahay adiga iyo riyooyinkaaga xitaa marka uu qof kasta uusan aamineyn in hamigaas aad leedahay.

Xittaa waqtiyada ugu adag waxay ku kalsoontahay inaad kabixi doontid isla markaana aad guuleysan doontid, waana taageerahaaga koowaad.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button