5 Sababood Oo Layaab Leh Oo Qaar Kamid Ah Ragga Ay Haweenka Ku Furaan (Lambar 5 Waaka Nexee)

Nin markii uu rabo naag wuxuu sameeyaa wax kasta oo ah sidii uu qalbigeeda ugu guleysan lahaa ama uu ukasban lahaa mararka qaar waxay haweenka u ballan qaadaan inay waligood jeclaan doonaan iyagoo muddo markii la joogo billaabaa muran iyo dodo qaab daran iyo inay dhibsadaan si ay u furaan.

Waxaan idiin soo gudbineynaa sababo layaab leh oo ragga ay haweenka ku furaan qaarkoodna aad ayaad ula yaabi doontaan marka aad aragtaan.

Hoos ka aqriso.

1. Xiriirka wuu sii xumaanayaa

Kadib markii uu gabadha muddo ku heystay sariirtiisa isagoo ku qanacsan kadib waxa uu dareemayaa in waqtigaas ay tahay waqtigii uu gabar cusub keensan lahaa mana muuqato sabab burburiyo xiriirkaas marka wuxuu la imaanayaa mar marsiyo dabaalnimo ah oo ah inuu xiriirka sii xumaanayo, xiriirka ma wax uu canug yar ku ciyaaro baa? Markii aad u sheegtay gabadha inaad waligeed rabtid maxay tahay waxa xiriirka xumeynayo ama aad ku naceyso?.

2. Waxaan u baahanahay nasasho

Waxyaabaha runta ah aan isku sheegno,ma jiro xiriir dhab ah oo keenaya in labada qof ay usbuucyo kala maqnaadaan,  ragga ayaana isticmaala farsamadaan marka ay naag kale luuqa ugu jirto, marka waqtiga dambe si dhab ah oo naxariis leh ugu sheeg maxaa yeelay dumarka way ogyihiin micnaha nasasho Ayaan u baahanahay.

3. Ma jeclo saaxiibadiis.

Xaqiiqda haddii laga hadlo tan ma noqon kartaa sabab xaaskaaga lagu furo ama looga tago?, Runta aan u sheegno nafteena haddii ay jeceshahay saaxiibadaa iyo haddii kale ma ahan sabab lagu furi karo xaaskaaga hubaal waxaa ah naag kale ayaa kuu meeleysan marka waxaad raadineysaa sabab aadku furto.

4. Muran nacasnimo ah

Ninka markii uu doonayo furriin, wuxuu bilaabaa muran nacasnimo ah wuxuu xittaa muran ka keenaa qaabka ay gabadha u labisato, ma uu hayo sabab wanaagsan uuku furo marka wuxuu go’aansanaa in fursad walba uu muran kakeeno.

5. Way buurantahay ama cayilantahay

Tani waa sababta iigula yaabka badneyd waana la yaabay markii aan maqlay inuu wiil gabar ku furay wey buurantahay markii hore uu sida aadka ah u rabay miyuusan ogeyn inay buurantahay? Taasi ma ahan sabab wax lagu furo waa doqonnimo aad ah.

Marka daacadnimada ayaa wanaagsan mar walba haddii aad inaad ku meel gaartid rabtid haku ciyaarin mustaqbalkeeda ballan been ah ha u dhigin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button